Muqdisho (WDN)- Shirweyne magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya ay ku yeesheen siyaasiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayey kaga dhawaaqeen dagaal ka dhan ah xarakada Alshabaab oo gacanta ku haysa deegaano badan oo maamulkaasi ka tirsan halka magaalooyin dhawr ah ay go’doon yihiin in muddo sida Waajid iyo Xudur.

Shirweynahan ayaa waxaa ka qeybgalay wasiiro ay ka mid yihiin wasiiradda gaashaandhiga Awqaafta iyo arrimaha diinta, iyadoo wasiir ka Awqaafta Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu hore uga mid ah Alshabaab, balse kasoo baxey kuna soo biirey dawladda Soomaaliya. Waxa kale oo shirka ka qeyb galay wasiir ku xigeeno, xildhibaano iyo masuuliyiin kale, waxa ayna sheegeen in ay muhiim tahay in bulshada koonfur galbeed laga dulqaado dhibaatada Alshabaab.
Wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in la gaarey waqtigii reer Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku midoobi lahaayeen la dagaalanka Alshabaab, shirweynahaanna uu caddeyn u yahay in la gaarey in la xoreeyo deegaanada Alshabaab gacanta ku hayaan, isla markaana go’doonka laga saaro magaalooyinka sida xaqdarada ah loo go’doomiyey.
Shirkan ay yeesheen madaxda kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa cadaadis hor leh saari doona Alshabaab, isla markaana u horseedi kara in kooxdu waydo deegaano badan oo muhiim ah oo saldhigyo waa weyn u ah. Waxaana kooxda wajahaysaa burbur haddii uu guuleysto gulufka laga abaabulayo deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply