Friday, May 03, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

SIDEE LOO BADBAADIN KARAA SOMALILAND?

W.Q. Maxamuud Cabdillahi Axmed

Xiddiguhu Cismaan halkii xalay ma joogaane
Xagaagaaba laga yaabayaa xays inuu da’o
Gabyaa Soomaaliyeed 

Hordhac

Socotada taariikhda Soomaalida waxa ku suntanaan doonta maalinta 25.08.2023, maalintii uu soo afjarmay dagaalkii 8da bilood ka socday Laascaanood, libtiina ku raacday SSC-Khaatumo. Waa dhacdo xanuun badan oo hore uga socosha mooyee dib ugu laabasho lahayn.

Waxa intaas raaca in isla maalintaas uu maamulka SSC-Khaatumo iyo garaadaduba ku baaqeen nabad ku wada noolaansho iyo deris wanaag. Garaadadu waxay u baxeen figta sare ee samaha. Laakiin taasi uma qudh-qudhsamin maamulka Somaliland, isimada dhaqanka ee Isaaq iyo Samaroon ee dhigggooda ahina jawaab ma soo celin. Taasoo sababtay isku dhacii horraamihii bisha Noofamber ee tuulooyinka Buq-dharkayn iyo Yeyle, keentayna dumista colaad cusub.

Nasiib wanaag shirkii Talo-Wanaag ee Burco ka qabsoomay 25 – 28 Noofambar 2023 ayaa yidiidilo nabadeed muujiyey. Baaqii ka soo baxayna Soomaali oo dhami way ku wada diirsatay, soona dhowaysay.  

Dejinta xaaladda hadda taagan

Haddaba su’aasha hadda taagani waa halkee loo dhaafayaa bartaas si loo helo nabad buuxda.

Waxan ku tixi hoos talaabooyin aan is-leeyahay loogama maarmayo soo celinta is-aaminka iyo kalsoonida labada dhinac (Laascaanood iyo Hargeysa):

1. Marka hore in la kala saaro, la iskuna Khaldin, labada maamul (Hargeysa iyo Laascaanood) iyo Isimida reeraha. Isimadu waa madax dhaqameed, umana taagna siyaasad.

2. In maamulka Hargeysa iyo Laascaanood ka masuul yihiin, midba goonidiis, sugidda nabadda deegaamada iyo xakamaynta wiilasha hubka sita. Magaalada Ceerigaabo iyo deegaanada hoos taga ee la wada deggan yahayna fitno laga ilaasho.

3. In labada maamul fududeeyaan nabadaynta iyo turxaan bixinta beelaha; isla markaana midkoodna adeegsan ciidan Beleed.

4. In labada maamul aqbalaan, midba goonidiisa, mabda’ ahaan, in la is-dhaafsado maxaabiista; sida ugu dhakhso badan, dabeetana la billaabo isweydaarsigooda, iyadoo lala kaashanayo haya’dda Bisha Cas ee Caalamiga ah (ICRC). Waa rukun sal u noqonaya kalsooni dhiska labada dhinac. 

5. In labada maamul yeeshaan khad qarsoon oo ay ku wada xidhiidhaan, toos iyo dadab kay ahaataba. Masuulinimada ayaa sidaa ku jirta, faraysana. Md. Muuse Biixi iyo md. Xasan Sheekh ba joogto ayey khadka telefoonka ugu wada hadlaan.

Haddii dhakhso loo maqli waayo dhawaaqyo togan iyo qaadista falal kalsooni dhis ah waxa la filaa ba waa shilal kale oo dhaca iyo dhul-gubnimo billaabanta. Ilaah baan ka magansany.

Xalka timaadada muddada dheer

Su’aal kale ayaa iyana ah: waa maxay xalka siyaasadeed ee muddada dheer si loo badbaadiyo Somaliland? Jawaabta waxa laga dhex heli karaa arrinka la isku hayo, fikriyan, oo ah gooni-isutaag doon iyo gooni-isutaag diid. Waa labo iraado siyaasadeed oo midkoodna midka kale iraadadiisa xoog ku marsiin karin. Laakiin faraq ayaa u dhexeeya labada dhinac, Laascaanood uma socoto inay Hargeysa ku qasabto ka tanaasulka gooni-goosiga, umana socoto in hal tuulo oo Isaaq dego maamulkeeda hoos keento. Waxay garwaaqsadeen inay tahay wadiiqo aan midho dhalayn, isku dhimasho iyo isla burbur mooyee.

Haseyeeshee Hargeysi afka ka dhigi weyday xadka ayaan xoog ku soo xidhayaa, waana sababta 1aad ee keentay jabkii ku dhacay 25.08.2023. Ma dhici karto inay Hargeysa soo xidho xadkii Ingiriiska ee ay ku taamto. Xaasha. Caqli-gal maaha in yool  laga biyo keeni waayey 32 sanno, marinkiisa lagu sii taagnaado. 

Kolkaa nin la tumay ayey talo gaadhaye, Hargeysa shaqo badan oo fekradeed ayaa u taal.

Waa ta koowaade in aan muran dambe la gelin  doorashada madaxtooyada muddadii loo qabtay; isla markaana lagu dedaalo shaafinta tabashada reer Awdal.

Waa ta labaade, waa in budhtuurka Somaliland yaqiinsadaan in fekerkii dawladnimada Somaliland lagu dhisay ee ah xuduudkii isticmaarka Ingiriiska (xagga bari) uu soo afjarmay 25.08.2023. Burbur wax aan ahayn oo looga aayayaa ma jiro. 

Waa ta saddexade, in la daraaseeyo feker hor leh oo lagu dhisi karo Somaliland. Xataa, hadday noqonayso in dib loo eego fekerkii gooni isu-taagga, laguna naaqisho jawi uu ka jiro xoriyad hadal. Marka xigtana loo soo bandhigo shacabka xulashooyinka (options) suuragalka ah ee lagu dhisi karo Somaliland cusub, fikriyan. 

Gebo-gabo

Gebo-gabadii waxba kuma jabna Somaliland aan ku salaysnayn xadkii u dhexeeyey mustacmaradihii Ingiriiska iyo Talyaaninga, kuna salaysan heshiis bulsho (social contract) oo cusub?

Iska indho-tirka xaqiiqada cusub ee dhulka taallaa waa is-makeeki iyo qar-iska-xoor. Xiddiguhu, Muusoow, halkii, xalay ma joogaan. 

Wa Billaahi towfiiq

Maxamuud Cabdillahi Axmed

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.