Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Shirweynihii Qalinleyda: Madal Hal-Abuur kulmisay! 

Dr Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) 

Muddo saddex maalmood ah (Dis. 21-23, 2019) waxaan dalka aan jaarka iyo walaalahaba nahay ee Jabuuti u joogay ka qayb-galka shirkii 6-aad ee Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed ee (SSPEN). 

Shirkaas, waxaa igu marti-qaaday Dr. Maxamed Daahir Afrax (guddoomiyaha Akaadeemiyad-goboleedka afka Soomaaliga, ahna asaasihii Naadiga Qaalinleyda Soomaaliyeed) oo aan anigu ahay -sidaan isku tiriyo- mid ka mid ah ragguu soo gacan qabtay xagga qoraalka, dhiiri-galin badanna u sameeyay; si aan cagta ula helo dhabbada wax qoridda dhinaca luuqadayada hooyo ee Af Soomaaliga, boqollaal kaloo ila mid ahina way jiraan, oo uu sidaas oo kale u gardaadiyay, dhiiri-galiyay, talooyin tolmoon oo toganna siiyay,  Eebbe oo qura ayaana abaalkiisa gudi kara. 

Jabuuti ma ayan ahayn markii iigu horreysay ee aan safar ku imaaddo, horaan dhawr jeer u imid, anigoo ujeedooyin kala duwan daarnaa safarkayga, qaarkoodna ujeedadoodu ahaa: ka qayb-galka shirar ay “SSPEN” qaban jirtay; si loo hormariyo afkayaga hooyo, qalinleydana loo dhiiri-galiyo.

Shirkaanse wuxuu ii lahaa aniga dareen gaar ah, waa maroo wuxuu ku soo beegmay muddo dheer ka dib oo habac uu ku yimid habsami-u-socodka hawlaha naadiga qalinleyda, waa tan xigtoo, waxaan ku bartay rag aan xiiseeynayay barashadooda, kuwa kalena oo raadin jiray waligay la kulankoodana waan kula kulmay.

Intaan dadkaan shirka kula kulmay ka warrankooda iyo ka xogbixintooda u galin, aan wax yar dulmaro taariikh koobanoo  ku saabsan Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed. 

Milicsi-taariikheed: Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed “SSPEN” 

Naadiga SSPEN asaasiddiisa waxaa loo guntadey sannadkii 1996kii, waxaana si buuxda dhalashdiisa dunidu u aqoonsatay bishii Agosto 1997kii, kolkaas oo lagu dhex aqoonsaday Shirweynihii Caalamiga ahaa ee 63aad ee dallad-weynta ay ku midaysan yihiin qorayaasha adduunka, International PEN; shirweynahaas dunida oo xilligaas lagu qabtay Edinburgh, caasimadda Scotland. Halkaas ayaa SSPEN lagu diiwaan-galiyey inuu noqday xubin buuxda oo ku soo biidhay bahda International PEN, asagoo noqday xubinta 142aad. Ka dib muddo toddoba sannadood ah ayuu SSPEN wuxuu hawlo badan ka hoggaaminayey magaalada London oo ahayd halkii lagu asaasay, xarunna u ahayd toddobadaa sano.

Muddadaas naadigu wuxuu safka hore kaga jirey hormuudka waxqabadka bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool. Si gaar ah wuxuu wax weyn ka qabtay ururinta, mideynta iyo dhiirrigalinta qalinleyda Soomaaliyeed ee ku kala hallawday daafaha dunida, daryeelka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa, qoraal iyo afba iyo weliba ka qaybqaadashada dadaalkii maskax-maalku ugu jirey nabadaynta gayiga Soomaalida, taas oo ay tusaale u ahayd kaalin hormuudnimo oo SSPEN iyo hoggaankiisu ka qaatay Shirweynihii Carta ee taariikhiga ahaa.

Masaxweyne Geelle iyo ka qaybgalayaashii shirka qalinlayda Soomaalida

Kaalintaas iyada ah waxay u horseedday in xaruntii Naadiga loo soo raro magaala-madaxda Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu hiil iyo hooba Naadiga ku garabgalay, mahadi ha ka gaadhee, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, dadka reer Jabuutina si weyn u soo dhaweeyeen. Jabuuti oo ilaa imminka ah xarunta dhexe ee SSPEN, naadigu wuxuu ku tallaabsaday hawlgallo waaweyn oo keenay in International PEN uu u aqoonsado hormuudka naadiyada PEN ee Afrika iyo in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle sannadkii 2006 ku maamuuso billad-sharafta ugu sarraysa dalka Jabuuti.

Taakulayntii iyo dhiirrigalintii uu la garab joogey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Naadiga waxay u suurtagalisay in uu Jabuuti ku qabanqaabiyo maharjaanno, fagaarayaal iyo kulan-weyneyaal ay ku kulmeen, isku barteen, Jabuutina ku barteen boqollaal aqoonyahan, abwaan, fannaan, qoraa iwm, kuwaas oo Soomaali iyo ajnabiba lahaa, kana kala yimi gayiga Geeska Afrika iyo daafaha dunida. Tusaale ahaan kulan-weyneyaashaas waxaa ka mid ahaa Toddobaadkii Bahda Hal-abuurka Dhaqanka ee 2003; Toddobaadkii Afka Hooyo ee 2006; kulan-weynihii Xuska sannad-guuradii 40aad ee qoraalka Af-soomaaliga, 2012; ololayaashii xuska maalinka afka hooyo; iyo afar shirweyne oo ay isugu yimaadeen bahda SSPEN iyo waliba Cafar PEN oo asaasiddiisa uu gacan taariikhii ah ka geystey SSPEN iyo asaasihiisa.

Khudbaddii raadka igu reebtay! 

Dhambaalkaygan kuma soo wada qaadan karo khudbadiihii miiddu ka hooreeysay ee meesha laga jeediyay, waxaase aad dareenkayga u taabtay khudbaddii uu Dr. Maxamed Daahir Afrax ka jeediyay madasha maalintii labaad ee shirka, kalmadda Afrax oo wax badan xambaarsanayd waxaan ka soo qaadan karaa dadaalkii dheeraa ee uu u maray in dhidibbada loo taago madashaan hal-abuurka Soomaaliyeed kulmisay. 

Afrax waxa uu noo sheegay in naadiga qalinleyda Soomaaliyeed tababbaray naadiyo kaloo dunida ka jira, sida: kan qalinleyda Kenya iyo kan Masarba, arrintaasu waxa ay hoosta iiga xariiqday in qalinleyda Soomaalidu ay yihiin horseed xagga aqoonta iyo waayo-aragnimadaba. 

La kulankaygii hal-doorka

Marka laga yimaado faa’iidooyinka aqooneed ee laga dhaxlo shirarka noocaan oo kale ah; misana waxaanan meesha marnaba ka maqnayn barashada dad la kulankooda ay muhiim tahay.

Waxaan shirkaas ku bartay shakhsiyaad fara badan oo uu ka mid ahaa Danjire Maxamuud Dirir oo xilal wasiirnimo iyo mid danjireba ka soo qabtay dalka Itoobiya. Dirir waa shakhsi aadan ka daaleyn marnaba sheekadiisa, ka xog-warrankiisa waayo-aragnimo, aqoontiisa durugsan ee xagga luuqadaha qalaad iyo tan Soomaaliga oo uu si xeeldheerinimo ah u yaqaan. Waa danjire waligii usha dhexda ka qabta, wuxuu aad ula fal-galay xagga anshaxa ergeynimo ee uu dalkiisa Itoobiya u matalay madalo badanoo ay ka mid tahay tii uu Suudaan ku heshiisiiyay, khubaddii saxiixa heshiiska taariikhda galayna uu ka jeediyay oo ay ilmadu hoodhay wajigiisa markuu akhrinayay kalmaddiisii, waa dhacdo ciddii maalintaa daawaneysay lama ilaawaan ku ah. 

Waxaan kaloo isagana meesha kula kulmay Siciid Jaamac oo ah qoraaga buugga “Safar aan jiho lahayn” oo aanu muddaba wada xiriiri jirnay, mahadi haka gaadho barashada shakhsigaas -hal-abuurka ah- Cabdikariim C/raxmaan X. Xasan (Bahda Wardheernews), teer iyo markuu iskaaya barayna, waynu wada xiriiri jirnay Siciid Jaamac oo aan ku bartay in uu yahay ruux aad ugu xeeldheel suugaanta iyo sooyaalka Carbeed, wax badanna aan ka faa’iiday maalmihii uu shirka socday. 

Waxaan kaloo bartay Abwaan Siciid Saalax oo loo yaqaan macallin Siciid Saalax. Inta suugaanta daneysaa si fiican bay u taqaan Siciid Saalax, waxaan ka bartay eray uu si fiican u sharraxay, waa erayga “Mus-duleed” oo siduu noo sheegay ka dhigan “ Background” oo ah tixraaca iyo khalfiyada dambe markii laga warramayo taariikh la soo dhaafay IWM. 

Maalinkii uu shirka soo idlaaday waxaa madasha lagu doortay guddoomiyaha cusub ee Naadiga oo Ismaaciil Taani. Waa aqoonyahan  aan ku cusbeyn Soomaalida inta wax qorta, waa shakhsi udub-dhexaad u ahaa naadiga 20-kii sanoo la soo dhaafay, inta badanna shaqadiisu ahayd isku xirka naadiga iyo dowladda Jabuuti ee uu u dhashay, la’aantiisna wax badanoo u qabsoomay bahda qalinleyda Soomaaliyeed ma hirgasheen. 

Gunnaanadkii, dhambaalkaygan waxaan Mahad gaara ah u soo jeedinayaa guddigii qabanqaabada shirweynaha oo uu ugu horreeyo Dr. Cabdirixmaan Yaasiin oo bare ka ah Jaamacadda Jabuuti. Wuxuu muujiyay karti dheeri ah iyo dulqaad farabadan iyo raggii uu hoggaanka u ahaa oo sida hagar la’aanta ah noogu adeegayay. Waxaan mahad intaas ka badanna u jeedinayaa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo ah u hiiliyaha afka Soomaaliga burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ka dib, waxtarkiisa muuqda ee dhinaca afka Soomaaliga ahna waxaa xusi doona jiilalka soo socda ee ummadda Soomaaliyeed ee geeska Afrika ku nool.

Dr Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)
Emai: [email protected]


Dr. Ashkir waa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland, waana qoraa ka faallooda arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.