Muqdisho (WDN)- Shirkii wada-tashiga ee lagu waday in lagaga gun gaadho arimaha doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Federaalka ee ka socday Xalane, Muqdisho, ayaa la sheegayaa in la isku mari la’yahay.

Kala aragti duwanaanshaha ajendada shirka iyo kala fogaanta Dowlad Gobolleedyada, oo Jubbaland iyo Puntland oo isku doc ah, halka Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeellana ay la safan yihiin Dowladda Federaalka.
Dhinac kale Golaha Shacabka ee uu wakhtigu ka dhamaaday, ayaa wada qorshe muddo kororsi laba (2) sano ah, oo ay rabaan in loogu kordhiyo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha uu wakhtigu ka dhamaaday. Qorshaha muddo korosigu ayaa ku kooban Golaha Shacbiga, oo markaasi aanu ku jirin Golaha Aqalka Sare.
Waxa xusid muddan in Shacbiga Soomaaliyeed u arkaan qorshaha muddo kororsiga mid baal marsan sharciga iyo dastuurka dalka u deggan.
Kulanka Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in uu dhaco maalinta berri ah, iyada oo qorshaha kordhinta muddo xilleedka lagu dhex qarinayo ajandooyin kale, oo la sheegay in ay ansixin doonaan.
Wali ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Golaha Aqalka Sare oo ka hadlaya arimahan iyada oo Xildhibaano Aqalka Sare ah, oo ay wax ka weydiisay WardheerNews qorshaha muddo kororsigu ay ku tilmaameen mid aan sharci noqon karin, islamarkaana aysan qeby ka aheyn Aqalka Sare, dalkana u horseedi kara fawdo iyo degenaansho la’aan (chaos and political instability) hor leh
Dad xogxoggaal ah iyo Ilo wareedyo la soo xidhiidhay WardheerNews, ayaa sheegay in qorshaha ka dambeeya muddo kororsiga ay tahay, si loo siiyo Madaxweynaha uu Xilku ka dhamaaday – Farmaajo, awood uu kaga qeyg galo heshiis sadex geesood dhinaca Ciidamadda ah oo dhex mari doona Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya.
Geedi socodka arimaha doorashooyinka ayaa noqday kuwo aan wax xal ah laga gaadhin, iyada oo DFS lagu eedeyayo in Madaxweynaha uu xilku ka dhamaaday aanu u socon in dalka ay ka dhacdo doorasho, balse uu xoogga saarayo muddo korodhsi, isaga oo adeegsanaya Golaha Shacabka iyo Sadexda Dowlad Gobolleedyo ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.
Leave a Reply