Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Shirkii Xalane oo galay marxalad adag iyo Golaha Shacabka oo wada muddo kororsi

Muqdisho (WDN)- Shirkii wada-tashiga ee lagu waday in lagaga gun gaadho arimaha doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Federaalka ee ka socday Xalane, Muqdisho, ayaa la sheegayaa in la isku mari la’yahay.

Md Mursal iyo Farmaajo

Kala aragti duwanaanshaha ajendada shirka iyo kala fogaanta Dowlad Gobolleedyada, oo Jubbaland iyo Puntland oo isku doc ah, halka Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeellana ay la safan yihiin Dowladda Federaalka.

Dhinac kale Golaha Shacabka ee uu wakhtigu ka dhamaaday, ayaa wada qorshe muddo kororsi laba (2) sano ah, oo ay  rabaan in loogu kordhiyo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha uu wakhtigu ka dhamaaday. Qorshaha muddo korosigu ayaa ku kooban Golaha Shacbiga, oo markaasi aanu ku jirin Golaha Aqalka Sare.

Waxa xusid muddan in Shacbiga Soomaaliyeed u arkaan  qorshaha muddo kororsiga mid baal marsan sharciga iyo dastuurka dalka u deggan.

Kulanka Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in uu dhaco maalinta berri ah, iyada oo qorshaha kordhinta muddo xilleedka lagu dhex qarinayo ajandooyin kale, oo la sheegay in ay ansixin doonaan.

Wali ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Golaha Aqalka Sare oo ka hadlaya arimahan iyada oo Xildhibaano Aqalka Sare ah, oo ay wax ka weydiisay WardheerNews qorshaha muddo kororsigu ay ku tilmaameen mid aan sharci noqon karin, islamarkaana aysan qeby ka aheyn Aqalka Sare, dalkana u horseedi kara fawdo iyo degenaansho la’aan (chaos and political instability) hor leh

Dad xogxoggaal ah iyo Ilo wareedyo la soo xidhiidhay WardheerNews, ayaa sheegay in qorshaha ka dambeeya muddo kororsiga ay tahay, si loo siiyo Madaxweynaha uu Xilku ka dhamaaday – Farmaajo, awood uu kaga qeyg galo heshiis sadex geesood dhinaca Ciidamadda ah oo dhex mari doona Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya.

Geedi socodka arimaha doorashooyinka ayaa noqday kuwo aan wax xal ah laga gaadhin, iyada oo DFS lagu eedeyayo in Madaxweynaha uu xilku ka dhamaaday aanu u socon in dalka ay ka dhacdo  doorasho, balse uu xoogga saarayo muddo korodhsi, isaga oo adeegsanaya Golaha Shacabka iyo Sadexda Dowlad Gobolleedyo ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.