Muqdisho (WDN)- Wararka soo gaadhaya WardheerNews, ayaa sheegaya in madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo shir wadatashi ku lahaa magaalada Baydhabo, bishan Sebt 8-9, ay maanta soo gaadheen Muqdisho.

Imaatinka sadexda madaxweyn ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ayaa dhamaystiraya in uu qabsoomo shir lagaga arinsanayo arimaha Doorashada in uu ka furmo Muqdisho, maalinta berri ah oo ku beegan bishan Sebtember 10-da, 2020.
Shirkaaasi oo ay ka soo wada qeyb galayaan dhamaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyadu.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa iyagu horey ugu sugnaa magaalada Muqdisho, oo ay wada hadalo kula yeesheen Madaxweyne Farmaajo , Aqalka Sare iyo qaar ak mid Ururada Mucaaradka, iyaga oo horey shir wadatashi hordhac ku yeeshay magaalada Garoowe intii aysan iman Muqdisho.
Waxa la filayaa in shirkan Muqdisho ay la soo gudboonaadaan caqabado badan, iyada oo hadda ay u muuqato in laba dhinac loo kala jabay, b) DFS, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo t) Puntland iyo Jubbaland oo dhinaca kale ah. Hase yeeshee waxa suurta gal ah:
- In kadib gorfeyn iyo isutanaasul in la isla garto hanaanka Doorasho ee 20/21, iyada oo laga duulayo wada hadalladii iyo wadatashayadii ay horey u yeesheen DFS iyo Dowlad Gobolleedyadu.
- In la isku afgaran-waayo shirka Muqdisho, oo shirkale loo balamo iyo
- Haddii markaasi is afgarad aan lagu gaadhin Muqdishu, in Puntland iyo Jubbaland ay dhamaanba ka baxaan shirka iyo wax heshiis dambe ah,
Waxa aad indhaha ay ugu hayaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha Caalamku-ba shirka Muqdisho iyo dadka hoggaanka u haya siyaasadda Soomaaliya , oo uu hormuud ka yahay Madaxweyne Farmaajo, sida ay u maareeyeen is faham- darada ku aadan heshiis wada ogol ah oo laga gaadho qaabka doorashada 20/21
WardheerNews
Leave a Reply