Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Shirkii Wadatashige ee Muqdisho oo furmaya iyo caqabadaha ku gedaaman

Muqdisho (WDN)- Wararka soo gaadhaya WardheerNews, ayaa sheegaya in madaxweynayaasha Dowlad Gobolleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo shir wadatashi ku lahaa magaalada Baydhabo, bishan Sebt 8-9, ay maanta soo gaadheen Muqdisho.

Imaatinka sadexda madaxweyn ee Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ayaa dhamaystiraya in uu qabsoomo shir  lagaga arinsanayo  arimaha Doorashada in uu ka furmo Muqdisho, maalinta berri ah oo ku beegan bishan Sebtember 10-da, 2020.

Shirkaaasi oo ay ka soo wada qeyb galayaan dhamaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyadu.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa iyagu horey ugu sugnaa magaalada Muqdisho, oo ay wada hadalo kula yeesheen Madaxweyne Farmaajo , Aqalka Sare iyo qaar ak mid Ururada Mucaaradka, iyaga oo  horey shir wadatashi hordhac ku yeeshay magaalada Garoowe intii aysan iman Muqdisho.

Waxa la filayaa in shirkan Muqdisho ay la soo gudboonaadaan caqabado badan, iyada oo hadda ay u muuqato in laba dhinac loo kala jabay, b) DFS, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed  oo dhinac ah iyo t) Puntland iyo Jubbaland oo dhinaca kale ah. Hase yeeshee waxa suurta gal ah:

  1. In kadib  gorfeyn iyo isutanaasul in la isla garto  hanaanka Doorasho ee 20/21, iyada oo laga duulayo wada hadalladii  iyo wadatashayadii ay horey u yeesheen DFS iyo Dowlad Gobolleedyadu.
  2. In la isku afgaran-waayo shirka Muqdisho, oo shirkale loo balamo iyo
  3. Haddii markaasi is afgarad aan lagu gaadhin Muqdishu, in Puntland iyo Jubbaland ay dhamaanba ka baxaan shirka iyo wax heshiis dambe ah,

 Waxa aad indhaha ay ugu hayaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha Caalamku-ba shirka Muqdisho iyo dadka hoggaanka u haya siyaasadda Soomaaliya , oo uu hormuud ka yahay Madaxweyne Farmaajo, sida ay u maareeyeen is faham- darada ku aadan heshiis wada ogol ah oo laga gaadho qaabka doorashada 20/21

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.