Muqdisho (WDN)- Shirkii wadatashiga arimaha doorashooyinka uga socday Xalane, Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, ayaa burburay kadib markii la isku afgaranwaayay ajendaha shirka.

Arimaha la isku mari waayay ayaa lagu sheegay: Mas’uuliyadda sugida amniga doorashooynka, arimaha gobolka Gedo iyo awoodda Madaxweynaha uu ka dhamaaday muddo xilleedkiisu.
Wasiirka Warfaafinta DFS Md. Dubbe ayaa sheegay in shirkii wadatashiga doorashooyinka la isku afgaran waayay, isaga oo eedda saaray Madaxda Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland.
“ in labada madaxweyne aanay rabin in dalka ay ka dhacdo doorasho, iyadoo Dowladdu markasta ay diyaar u aheyd in doorasho la qabto laakiin ay ka socon weyday labadaas madaxweyne” ayuu ku sheegay shir aan wax su’aal ah la weydiin oo uu Md. Dubbe qabtay maanta.
Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in aany ka warqabin warka ka soo baxay Md. Dubbe; wax shir ah oo burburayna aanu jirin, islamarkaana lagu balansanaa shir kale in la isugu yimaado.
Shirka wadatashiga arimaha doorashooyinka, ayaa noqday mid turxaan bixintiisu ay aad dheeraatay. Kala aragti duwanaanshaha ku aadan ajendada shirka iyo kala fogaanta Dowladda Federaalka, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo hal dhinac ah iyo Dowlad Gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland oo isku doc ah, ayaa u muuqda in burburkaasi uu salka ku hayo.
Beesha Caalamka oo daddaaal badan gelisay qabsoomida shirka, ayaa hadda u eeg in waanwaantii ay wadey shaqeyn weyday, islamarkaasna ah isha kaliya ee caddaadis saari karta in shirkaasi aan lagu kala kicin.
WardheerNews
Leave a Reply