Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Shirkii Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka oo la isku afgran waayay

Muqdisho (WDN)- Shirkii wadatashiga arimaha doorashooyinka uga socday Xalane, Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah, ayaa burburay kadib markii la isku afgaranwaayay ajendaha shirka.

Arimaha la isku mari waayay ayaa lagu sheegay: Mas’uuliyadda sugida amniga doorashooynka, arimaha gobolka Gedo iyo awoodda Madaxweynaha uu ka dhamaaday muddo xilleedkiisu.

Wasiirka Warfaafinta DFS Md. Dubbe ayaa sheegay in shirkii wadatashiga doorashooyinka la isku afgaran waayay, isaga oo eedda saaray Madaxda Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland.

 “ in labada madaxweyne aanay rabin in dalka ay ka dhacdo doorasho, iyadoo Dowladdu markasta ay diyaar u aheyd in doorasho la qabto laakiin  ay ka socon weyday labadaas madaxweyne”  ayuu ku sheegay shir aan wax su’aal ah la weydiin oo uu Md. Dubbe qabtay maanta.

Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in aany ka warqabin  warka ka soo baxay Md. Dubbe; wax shir ah oo burburayna aanu jirin, islamarkaana lagu balansanaa shir kale in la isugu yimaado.

Shirka wadatashiga arimaha doorashooyinka, ayaa noqday mid turxaan bixintiisu ay aad dheeraatay. Kala aragti duwanaanshaha ku aadan ajendada shirka iyo kala fogaanta Dowladda Federaalka, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo hal dhinac ah iyo  Dowlad Gobolleedyada Jubbaland iyo Puntland oo isku doc ah, ayaa u muuqda in burburkaasi uu salka ku hayo.

Beesha Caalamka oo daddaaal badan gelisay qabsoomida shirka, ayaa hadda u eeg in waanwaantii ay wadey shaqeyn weyday, islamarkaasna ah isha kaliya ee caddaadis saari karta in shirkaasi aan lagu kala kicin.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.