Shirkii Dhuusamareeb 3 oo burbur ku dhow

Muqdisho (WDN)- Heshiiskii  lagu gaadhay shirkii Dhuusa-Mareeb 2, ee  dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada xubnaha ka ha sida uu dhigayo qodobka 4-aad, ayaa la qorsheeyay in shir dambe – Dhuusamareeb 3 la iskug yimaado. Shirkaasi oo la isku afgartay in lagu go’aamiyo qaabka, hanaanka iyo wakhtiga Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya ee 20/21.

Farmaajo, Qoorqoor, Waare iyo Laftagareen

Haddaba warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in ka dib warqad  casuumad ah oo uu soo saaray Kusimaha Ra’aasal Wasaarah DFS  Md. Mahdi Guuleed bishii  Julay 30, 2020, oo loogu yeedhay Muqdisho in ay iska soo xaadirayaan bishan Ogosto 5-dii, Gudigii Farsamo ee diyaarin lahaa hanaanka Doorasho la iski raaco  iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladan kala guurka.

Mariqaadkaas ka yimid Muqdisho oo aan ku jiran haba yaraatee heshiiskii Dhuusa-Mareeb 2, ayaa dhalisay kala aragti duwanaansho soo dhex gasha Dowlad Gobolleedyada, iyada oo Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ay aqbalaneen martiqaadka Muqdisho, halka Puntland iyo Jubbaland ay ku adkeysteen in ay balantu aheyd Dhuusa-Mareeb.

Isafgaran-waaga ayaa la sheegay in ay qeyb ka tahay DFS, oo martiqaad aan la iski ogeyn oo Muqdisho ah dhex dhigtay Dowlad Gobolleedyada, kuwaasi oo markiiba maamuladda Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ay wafuud u direen Muqdisho, iyada oo Puntland iyo Jubbaland ay ka soo hojeesteen.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Md. Axmed Cabdi Qoorqoor oo marti galinta shirka Dhuusamreeb 3 gadhwadeen ka ahaa, uu in muddo ah ku sugnaa Muqdisho, isaga oo olole ugu jray sidii Ra’iisal Wasaare loogu magacaabi qof ka soo jeeda Galmudug. Arinkaas ayaa dad badani aamin san yihiin in ay saameyn ku  yeelatay doorkii iyo hoggaamintii uu ka laha shirka Dhuusamareeb 3, isaga oo ay u muuqatay in mowqifka Madaxtooyada Muqdisho uu u xuubsiibtay.

Qoorqoor ayaa la sheegay intii uu Muqdisho ku sugnaa in uu la kulmay Madaxweyne Farmaajo, Agaasimaha NISA iyo Safiirka Qadar, haddana u dhoofay Turkiga, inkasta oo uu sheegay in shirki Dhuusamareeb 3 uu qabsoomi doono.

Haddaba khilaafkan iyo kala aragti duwanaashahaas iyo DFS oo shaki badan laga qabo niyad samida ay u hayso qabsoomida shirka, ayaa dad badani u arkaan in uu keeni karo burbur ku yimaada shirkii Dhuusa-Mareeb 3.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.