Dhuusa-Mareeb (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dhuusa-Mareeb ee uu ka socdo shirka wadatashiga u dhaxeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada, ayaa lagu soo waramaya in maalints berri ah la soo gabagebeyn doono, iyada oo aan heshii laga gaadhin qaabka Doorasho ee 2020/21.
Wararka soo gaadhaya WardheerNews, ayaa sheegay in war aanu shalay qornay oo ahaa in heshiis laga gaadhay qaabka Doorasho, uu Madaxweyne Farmaajo ka noqday. Taasina ay keentay in dooddo cusub iyo watashi dambe oo jiitamay ka dhasho, ka gadaalna la isla gartay sadex qodob:
1) In Guddi iskudhaf ah la sameeyo, ka soo talisa qaabka Doorasho la isku raacsan yahay, 2) In Doorashadu aysan ka dib dhicin xiligii qorshuhu ahaa iyo 2) In Dhuusa-Mareeb mar kale dib loogu kulmo, si go’aan midaysan loo qaato.
Dad badan oo ay la xidhiidhay WardheerNews oo ku sugan goobta wadahadallada , ayaa sheegay in shirkan Dhuusa-Mareeb uu ahaa fursadii ugu muhiimsanayd in lagu gaadho heshiis loo dhan yahay, wada tashi dambena ay adag tayah in uu soo kordhiyo qorshe iyo heshiis dhaxal gal noqda.
Caqabadda ugu weyneyd ee shirka, ayaa aheyd in Madaxweyne Farmaajo watay qorshe ah in dalka ay ka – dhacdo doorasho- qof iyo cod ah, halka Madaxda Maamul Gobolleedaydyu sida ay ku sheegeen shirkoodii hor dhaca ahaa ee Dhuusa-Mareeeb 1, aysan suurta gal aheyn in xiligan kala guurka ay dalka ka dhici karto doorasho -qof iyo cod ah.
WardheerNews
Leave a Reply