Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Shirkii Dhuusa-Mareeb oo mar kale loo balamay

Dhuusa-Mareeb (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Dhuusa-Mareeb ee uu ka socdo shirka wadatashiga  u dhaxeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada, ayaa lagu soo waramaya in maalints berri ah la soo gabagebeyn doono, iyada oo aan heshii laga gaadhin qaabka Doorasho ee 2020/21.

Shirka Dhuusa-Mareeb II

Wararka soo gaadhaya WardheerNews, ayaa sheegay in war aanu shalay qornay oo ahaa in heshiis laga gaadhay qaabka Doorasho, uu Madaxweyne Farmaajo ka noqday. Taasina ay keentay in dooddo cusub iyo watashi dambe oo jiitamay ka dhasho, ka gadaalna la isla gartay sadex qodob:
1) In Guddi  iskudhaf ah la sameeyo,  ka soo talisa qaabka Doorasho la isku raacsan yahay, 2) In Doorashadu aysan ka dib dhicin xiligii qorshuhu ahaa iyo 2) In Dhuusa-Mareeb mar kale dib loogu kulmo, si go’aan midaysan loo qaato.

Dad badan oo ay la xidhiidhay WardheerNews oo ku sugan goobta wadahadallada , ayaa sheegay in shirkan Dhuusa-Mareeb uu ahaa fursadii ugu muhiimsanayd in lagu gaadho heshiis loo dhan yahay, wada tashi dambena ay adag tayah in uu soo kordhiyo qorshe iyo heshiis dhaxal gal noqda.

Caqabadda ugu weyneyd ee shirka, ayaa aheyd in Madaxweyne Farmaajo watay qorshe ah in dalka  ay ka – dhacdo doorasho-  qof iyo cod ah, halka Madaxda Maamul Gobolleedaydyu sida ay ku sheegeen shirkoodii hor dhaca ahaa ee Dhuusa-Mareeeb 1, aysan suurta gal aheyn in xiligan kala guurka ay dalka ka dhici karto doorasho -qof iyo cod ah.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.