WardheerNews (WDN)- Afrika waxa ay hoy u tahay wadamada adduunka kuwa uge horeeya xaga kobcitaanka dhaqaalaha (GDP growth), iyada oo Bariga Afrika,ay horseed u tahay kobocaasi dhaqaale ee ay ku talaabsadeen guud ahaan wadamo badan oo Afrkaan ahi. Horumarka dhinaca dhaqaalaha ee Afrika, waxa uu abuuray in uu kordho dhaqaalaha dad badan oo Afrikaana, taasi oo horseeday in maalgashiga iyo socdaalka (travel) qaaradu uu aad u xooggeysto.
Haddaba waxa jirta in Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya (Ethiopian Airlines), ay noqoto mid uu adeeggeedu aad u kobcay, islamarkaana noqotay shirkada ugu balaadhan shirkaddaha diyaraaraddaha Afrika. Sidoo kale dhakhliga shirkadda ayaa isna aad u kordhay.
Shirkadda diyaaradda ee Itoobiya (Ethiopian Airlines), oo ka mid ah kuwo uga fa’ca weyn diyaaraddaha Afrika, ayaa la aasaasy sanadkii 1945-kii.
WardheerNews mar ay wax ka weydiisay aasaaskii shirkadda Diyaaradda Itoobiya (Ethiopian Airlines), maareeyaha guud ee shirkadda, ee Adeegga Caalamiga (Managing Director of Ethiopian Airlines International Services). Mr. Esayas Woldemariam, waxa uu sheegay in duulimaadkii ugu horeeyay ee ay shirkaddu sameyso uu ahaa dalka Masar Abril 8,sanadkii 1946. Shirkadda ayaa ka gadaal kordhisay duulimadkeeda, iyada oo sanadkii1960, duulimaad ku sameysay Monrovia, Liberia, Khartoum, Sudan; Lagos, Nigeria; iyo Accra, Ghana

Waraysi kale oo WardheerNews la yeelatay madaxa shirkadda (Ethiopian Airlines) ee Ameerika Md. Nigusu Worku, faahfaahin uu ka bixiyay qorshaha shirkadda iyo guud ahaan adeegga shirkadda. Md. Worku waxa uu sheegay in dhinaca casriyeynta shirkaddu marka loo eego diyaaraddaha ay adeegsato, ay tahay shirkadaha adduunka kaalinta koowaad. Shirkadda ayaa adeegsata diyaaraddo casri ah, oo da’doou aanay ka badneyn 5 sano, halka diyaaraddaha kale ee aduunka ay ka tahay 10 sano.
Md. Warku ayaa sheegay in adeegsida diyaradahaasi casriga ahi, ay sababtay in kharashka batroolka ee uu is dhimo (fuel efficiency), islamarkaana kor loo qaado tayada adeegga macaamiisha, sida kuraasta oo aan cidhiidhi aheyn (more leg room) iyo neefta oxygen-ka oo tayadeedu kor u kacday.
Md. Worku waxa kale oo uu sheegay in ay shirkaddu ku talo jito qorshaha higsiga miisaaniyad sanadeedka ku aadan 2025 (2025 vision) in ay ku talaabsato horumar baaxad leh oo isug jira:
– Dhakhliga guud ee shirkadda oo gaadhi doona $10 Billyan
– $ 1 Billyan oo faa’iido ah (Profit)
– 120 duulimaad oo caalami ah (international destinations) iyo 26 duulimaad oo wadanka gudihiisa (domestic destinations)
– 140 diyaaraddood (a fleet size of 140 aircraft)
– Adeegga 22 millyan oo qof (annual passengers)
– Xamuul lagu qiyaasay 820,000 ton (tons of annual cargo) iyo
– Shaqaale gaadhaya 1,7000 oo qof (employees)
Shacbiga Soomaaliyeed ayaa hadda aad u adeegsada shirkadda Diyaaradah ee Itoobiya, maadaama shirkaddi diyraaddahe ee Soomaaliya (Somali Airlines), ay ku burburtay dagaaladii ka dhacay Soomaaliya horaantii 90-kii. Haddaba waxaa hadda safta hore kaga jira u edeegga Soomaaliya, gaar ahaan marka ay noqoto socdaallada caalamiga (international flights), shirkadda Diyaaradaha Itoobiya (Ethiopian Airlines),oo aad loo adeegsado.
Shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya oo aan hadda lahayn duulimaad toos ah oo Muqdisho taga, hase yeeshee tagta Hargeysa, ayaa Md. Worku wuxuu noo sheegay in ay dersayaan sidii loo taabo gelin lahaa duulimaad toos ah oo shirkaddu ka bilowdo Addis Ababa-Muuqdishu iyo Boosaaso.
Dad badan oo adeegsaday ama raacay shirkadda Diyaaradaha Itoobiya (Ethiopian Airlines), ayaa WardheerNews u sheegay in adeegga shirkadu uu yahay mid aad u wanaagsan, islamarkaana cuntadu diyaaraddu ay tahay mid tayo leh.
WardheerNew
Leave a Reply