Shirka wadatashiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada oo galey marxalad cakiran

Shirka wadatashiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada oo galey marxalad cakiran

Dhuusamareeb (WDN)- – Shirka wadatashiga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada uga socday magaalada Dhuusamareeeb, ayaa lagu soo waramayaa in la isku af garan la’yahay. Arimaha la isku mari la’yahay waxaa ka mid aha 1) Arinta Gedo iyo 2) Soomaaliland.

Arinta Gedo ayaa la sheegayaa in aad loogu kala fog yahay, iyada oo Madaxweyne Farmaajo uu ku adkeysano gacan ku heynta Gedo, iyada oo Axmed Madoobe uu rabo in gobolka Gedo maamulkiisa dib loogu soo celiyo Dowlad Gobolleedka Jubbaland.

Waxa la isla gartay in ciidamo ka tirsan AMISOM ay sugaan amniga goobta doorashada ee gobolka Gedo.  Madaxweyne Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay arinta ciidamada AMISOM, ayaa ku adkeystay in gebi ahaanba maamulka gobolka Gedo uu faraha kala baxo Farmaajo, dibna loogu soo celiyo maamulka Jubbaland.

Dhinaca arinta Soomaaliland waxa ay warar xogxoggaal  ah oo soo gaadhay WardheerNews  sheegayaan in kulan dhex maray Guddoomiyaha Aqalka Sare Md. Cabdi Xaashi iyo Ku xigeenka Ra’iisal Wasaaraha Md. Mahdi Guuleed la isku af garan waayay .

Khilaafka ka taagan sidii loo sameyn lahaa doorasho wada ogol ah, ayaa laga yaabaa in ay dhaliyaan shirka Dhuusamareeb in uu sii dheeraado oo uu ka dib dhaco muddadii loo qabtay. Taasi oo laga yaabo in ay furto waji kale hadii uu dhaafo Feb 7, oo ku beegan wakhtigii la doortay Madaxweyne Farmaajo

Waxa aan rajaynaynaa in aan wararka dambe idinkula socodsiino wixii warar ah ee soo kordha In sha Allah.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.