Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Shirka Wada-tashiga Puntland

Garoowe (WDN)- Shirweyne wadatashi, oo uu ka baaqay Madaxweyanaha Puntland Md. Siciid Cabdillaahi Deni 7-dii bishii Febraayo, 2020, oo ka furmay magaalada Garoowe bishan Maarso 15, islamarkaana  socday muddo sadex beri ah , ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo maanta oo ku beegan 17 Maarso, 2020.

Shirweynaha Wada-tashiga Puntland

Shirweynaha oo ujeedadiisu aheyd in laga tashado mustqbalka Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgelinta hannaanka Federaaleynta Soomaaliya, ayaa la sheegay in ay ka soo qeyb galeen dad ku dhow laba kun (2000). Kuwaasi oo isugu jiray Siyaasiyiin ka socday Dowladda Puntland, Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Golayaasha Baarlamaanka, Odey-dhaqameedyo, Haween, Ganacsatada, Dhalinyarada, Qurba-joogta, iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada.

Shirkaasi ayaa la sheegay in arimaha ugu waaweyn ee laga doodday lana filayo in ay ka soo baxaan go’aano ay k amid ahaayeen: 1) Arimaha Dastuurka, 2) Federaaleynta iyo xidhiidhka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland iyo 3) Hanaanka Doorashada 2020/21.

WardheerNews oo la xidhiidhay mas’uuliyiin ka tirsan qabanqaabiyayaasha shirka, ayaa sheegay in shirka laga soo saari doono talooyin loo soo jeedin doono xukuumada Puntland, si ay arimo badan oo shirka lagaga doodday ay Puntland go’aan uga qaadato . Kuwaasi oo ay ugu horeeyaan 1) Hanaanka Dib u eegsita Dastuurka KMG, 2) Doorashooyinka 2020/21 iyo 3) Ku dhaqan la’aanta DFS ee nidaamka Federaalka iyo 4) Doorka Puntland ee wadahadallada DFS iyo Soomaaliland.

Shirka oo  runtii guud ahaan u qabsoomay loona soo agaasimay si wacan, ayaa waxaa xusid mudaan in uu ka maqnaa ama aanu ka muuqan doorka haweenka, iyada oo dadkii soo jeedinta lahaa dhamaan aysan ku jirin wax haween ahi.

Shirka ayaa la filayaa in uu maanta soo saaro war-murtiyeed, iyada oo lagu wado in lagu xuso arimo badan oo lagaga doodday mudaddii uu shirku socday.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.