Muqdisho (WDN) – Qabanqaabada shirka Madasha Wadatashiga Qaran, ayaa waxa ay ka socotaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayadoo ajandayaal xasaasi ahi miiska saaranyihiin oo hogaamiyaasha dawladda federaalka iyo kuwa dawlad goboleedyada ay ka wada xaajoon doonaan.
Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Hir Shabeelle Cali Guudlaawe, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen iyo GalMudug Cabdi Xasan Qoorqoor ayaa magaalada Muqdisho soo gaarey, iyadoo islamaanta galinkii dambe ay soo gaareen Muqdisho madaxweynayaasha dawlad goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed (Madoobe) iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Ajendayaasha shirka Madasha Wada-tashiga Qaran looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah hawlgalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab iyo mideynta dadaalada kooxdaasi. Waxaa kaloo ajandayaasha ka mid ah arrimo xasaasi ah oo dhalin kara khilaaf hor leh oo soo dhexgala dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada oo ay ka mid yihiin shaqaaqadii maalintii jimcaha ka dhacdey magaalada Baydhabo oo dhimashada iyo dhaawaca sababtey iyo muddo kororsiga maamulada qaar qorsheynayaan.
Arrinta muddo kororsiga madaxda maamul goboleedyada qaar ay ku dhawaaqeen oo ay meelmariyeen Baarlamaanada dawlad goboleedyada ayaa ka mid ah waxa ugu muhiimsan ee haatan la isku hayo, waxaana ay cirka isku sii shareertay iska hor imaadkii magaalada Baydhabo ku dhexmarey maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiin maamulkaasi mucaarad ku ah.
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxammuud ayaa dhaliilsan muddo kororsiga, waxa uuna doonayaa in doorashooyin la isla ogolyahay la qabto si looga badbaado iska hor imaadyo hor leh iyo xasiloonidari soo wajahda dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dawladda dhexe. Taasi oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh aaminsanyahay in ay caqabad ku noqon karto hawlgalka ka dhan ka ah kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.
Illaa iyo hadda lama oga sida ay uga fal celin doonaan siyaasadda dawladda dhexe ee ku aadan diidmada muddo kororsiga madaxda dawlad goboleedyadu. Waxaana laga cabsiqabaa haddii is faham dhici waayo in khilaaf soo galo wada shaqaynta dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada. Waxa ayna fursad siinaysaa kooxda sii liicaysa ee Alshabaab, oo laga yaabo in ay u noqoto fursad ay dib isugu soo dhisto maadaama hadda ay ku dhacdey dharbaaxo xooggan deegaanno muhiim ahna gacantooda laga bixiyey.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply