Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Shirka Dhuusamareeb ee Maamul Gobolleedyada iyo Waxa Laga Filan Karo

Muqdisho (WDN)- Waxaa maanta ku soo qulqulayay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul gobolleedka Galmudug madaxweynayaasha maamulada ka jira Soomaaliya iyadoo wararku sheegayaan in ay dhammantood hadda ku suganyihiin magaaladaas.

Madaxweyne Qoorqoor iyo Siciid Deni, Dhuusa-Mareeb

Shirka oo la filayo inuu isla maanta uga furmo magaalada Dhuusamareeb madaxweynayaasha maamul gobolleedyada Soomaaliya islamarkaana ayna qayb ka ahayn shirka dhinacyada ka qaybgalaya dawladda F. Soomaaliya, ayaa dad badani isweydiinayaan waxyaabaha uu ku soo kordhin karo xaaladda siyaasadda cakiran ee Soomaaliya.

Inkastoo aan la shaacin Ajande rasmi ah oo ay ka wadahadlayaan madaxda kala geddisan ee ka qaybgalaysa kulankaasi ayaa haddana waxa la filayaa in shirkaasi ay hadhayn doonaan qoddobada ay ka midka yihiin 1) qabsoomidda doorashooyinka baarlamaanka iyo ta madaxweyanaha oo iyagu hore ugu qorshaysnaa inay dhacaan sannadka aynu ku jirno dhammaadkiisa iyo midka soo socda ee 2021 bilaha ugu horreeya.
2) In aysan dhicin moddo korodhsi oo doorashada lagu qabto jadwalkii loogu talo galay iyo
3) In si wada tashi ah loogu heshiiyo nidaamka doorashada, kol haddii aynan dhaceyn doorasho cod iyo qof ah.

Waxa xusid muddan in shirkan ay ka maqan tahay Gobolka Banaadir, oo la sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo RW Xasan Kheyre ay aad ugu cadaadiyeen Maamulka Galmudug, sidii shirkaasi loogu marti qaadi lahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Hase yeeshee ay ku guuldareysteen.

Waxaa sidoo kale la filayaa in kulanka lagu lafoguro khilaafka u dhexeeya guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Federaalka iyo go’aanno muran badan dhaliyay oo dhawaan uu meelmariayay aqalka hoose ee baarlamaanka F. Soomaaliya.

Ciidamadii Harimacad oo laga qaaday Dhuusameerb

Haddaba isaamin darrada ka dhex aloosan madaxda maamullada qaarkood iyo dawladda F. Soomaaliya oo si cad looga arki karayay ciiddamadii dawladda ee laga daadgureeyay Dhuusamreeb iyo ilaalada tirada badan ee ku soo qulqulayay magaaladaas ee ay kala wataan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, ayaa shaki badan laga qabaa in madaxda kulankaasi ka qaybgalaysaa ay mawqif midaysan ka qaataan arrimaha muhiimka ah ee horyaalla madaama madaxda maamullada qaar la rumaysanyahay in ay yihiin kuwo aad ugu dhow madaxweyne Farmaajo.

Dad badan ayaa aad u dhaliilayay una arkayay arrin qalad ah in ciiddamada dawladda laga bixiyo Dhuusomareeb, haseyeeshee sida aan hore u aragnay ciiddamadaasi ma ahan kuwo dhexdhexaad ah oo ka madaxbannaan siyaasadda iyadoo horena loogu adeegsaday arrimo siyaasaddeed, waxyeelana ka soo gaadhay qaar ka mid ah mucaaradka.

Sidaadarteed garbay u leeyihiin in ay lafahooda ku aamini waayaan meel ay ciiddamo noocaas ahi joogaan, madaxda Puntland iyo Jubbaland ee ka qaybgalaya shirkaasi.

Madaxwyyne Qoorqoor iyo Axmed Madoobe, Dhuusa-Mareeb

Dawladda F. Soomaaliya ee uu hoggaanka u hayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo iyadu ku guuldarraysatay in ay waddanka ka qabato doorashooyin ku dhaca waqtigii loogu talo galay, ayaa la aaminsanyahay inkastoo aanay shaaca ka qaadin in ay xusulduub ugu jirto sidii muddo xileedka loogu kordhin laha, taasi oo ah mid ay aad uga soo horjeedaan madaxda maamul gobolleedyada qaarkood siiba Puntland iyo Jubbaland iyo guud ahaanba siyaasiyiinta mucaaradka ahi.

Ka daadgurayntii magaalada Dhuusamreeb ciiddamada Harimacdka loogu yeedho oo ay shaki badan ka qabeen madaxda shirka ka qaybgalaysa qaarkood caqabadna ku noqon kari lahaa shirka, ayaa loo fasiran karaa hoggaanka Madaxweynaha Galmudug Md. Axmed Cabdi Qoorqoor oo furay waddo cusub iyo fashil ku yimid saameyntii xoogganeyd ee ay ku lahayd Villa Soomaaliya.

Haddaba inkastoo ay ka maqantahay shirkan dawladda F. Soomaaliya ayaa haddana waxaa la aaminsanyahay in mawqifka iyo aragtida ay ka qaadan doonaan qoddobada shirkan maamullada qaarkood siiba Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle uu halbeeg u noqon doono saamaynta sii shiiqaysa ee ay DFS ku leedahay madaxda maamulladaas oo ay iyadu hore kursiga ugu fadhiisisay.

Guusha iyo guul darrada shirka ayaa haddaba waxay ku xidhnaan doontaa hadba sida ay maamulada Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed u muujiyaan ka madaxbanaanida siyaasaddaha awood maroorsiga ku dhisan ee Villa Soomaaliya iyo in go’aan midysan ay Maamul Gobolleedyaddu ka gaadhaan arrinta doorashada iyo qoddobada kale ee dastuuriga ah ee lagu muransanyahay.

Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.