Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Farmaajo oo Soo Dhaweeyay Baaqa Golaha Wasiirada ee Doorashooyinka

Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay baaqa Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan in doorashada soo socota ay ku qabsoonto waqtigeeda.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta dimuqraadiyadda dalka iyo in la sii horumariyo hannaanka doorasho, iyada oo mar walba awoodda loo sii dhaweynayo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.