Muqdisho (WDN)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaarey madaxda dalalka safka hore ee madaxweynayaasha Kenya William Rutto, Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furey shirweynaha Soomaaliya iyo dalalka safka hore ee Kenya,Jabuuti iyo Itoobiya oo dalka ciidamo qeyb ka ah hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS ka joogaan.
Shir madaxeedkaan oo ajendaha looga hadlayo shalay ay diyaariyeen wasiirada gaashaandhiga dalalkan, ayaa diiradda lagu saari doona mideynta, iskaashiga dhanka amaanka iyo hawlgalka lagula dagaalamayo kooxda argagixisada ah ee Alshabaab oo haatan dowladda federaalka dagaal xooggan kula jirto.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la wadaagaya madaxda dalalkan warbixinadii ugu danbeeyey dagaalka lagula jiro Alshabaab, waxa uuna sidoo kale kala hadli doonaa sidii wadamadan safka hore ay uga qeyb qaadan lahaayeen wajiga 2-aad ee hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab ee dhawaan la filayo in laga bilaabo deegaanada maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxdani fariisamaha ugu waa wayn ku leedahay inta badanna ay gacanta ku hayso.
Sidoo kale madaxda ayaa ka wada hadli doona sidii si wada jir ah loogu wajihi lahaaa khatarta kooxdaan Alshabaab oo laga yaabo in weeraro argagixiso ka fuliso dalalka safka hore ee Kenya, Jabuuti jyo Itoobiya, maadaama kooxdu dharbaaxo xoog leh kala kula kulantey hawlgalka dawladda ka waddo deegaanada maamulada Hir Shabeelle iyo Galmudug oo inta badan meelihii ay maamulaysay laga saarey.
Dawladda uu hogaamiyo madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal xoog leh ku bixisay sidii loo mideyn lahaa dadaallada kooxda Alshabaab lagula dagaalamayo waxaana ay guulaysatey in bulshada qeybaheeda kala duwan,culumaa’udiinka iyo wadamada saamaynta ku leh Soomaaliya in ay aragti mid ah ka yeeshaan dagaalka lagu la jiro argagixisada Alshabaab ee hor taagan qaranimada iyo xasiloonida bulshoweynta Soomaaliyeed, dalalka dariska iyo guud ahaan caalamka.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply