Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Warmurtiyeed: Madaxda Soomaaliya iyo dalalka Safka Hore oo is afgarad Muqdisho ku gaarey

Muqdisho (WDN) – Shirkii maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen madaxdweynayaasha wadamada nabad ilaalinta Soomaaliaya ee Safka hore iyo Soomaaliya oo kala ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, Kenya wiliam Rutto, Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya  Abiy Axmed, oo laga arinsanayay iskaashiga la dagaalanka argagixisada iyo xasilinoodida, ayaa waxaa madaxda wada hadal muddo socday ka dib isku raaceen qodobo ay ku mideysanyihiin.

War murtiyeee ay soo saareen shirka ka dib, ayey ku muujiyeen in ay aragti mid ah ka qaateen sidii argagixisada looga dabargoyn lahaa dalalkooda, isla markaana taageero ay ku biirinayaan dadaallada dowladda Soomaaliya ay waddo ee hawlgalka la dagaalanka aragagixisada iyo xoreynta deegaanada weli gacantooda ku jira.

Madaxda wadamada Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya war murtiyeedka ay soo saareen ayaa ka koobnaa qodobo dhawr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen:

1. In la tixgeliyo madaxbannaanida dhuleed, siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya

2. Waxaa lagu amaanay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed go’aanka ay ka qaateen sidii ay uga jirriddo siibi lahaayeen dalka kooxda argagixisaea ah ee Alshabaab

3.Shirka waxaa lagu sheegay sida ay Africa uga go’an tahay sii wadidda taageerada la siinayo dowladda Federalka Soomaaliya taasi oo ku aadan adaallada ay ugu jirto xoreynta dalka.

4. Waxaa la bogaadiyey dadaallada Golaha Wadatashiga Qaran ee dowladda Federalka iyo dowladaha xubanaha ka ah, kuna aaddan siyaasad loo dhan yahay oo lagu wajaho dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

5. Waxaa la xusay horumarka la taaban karo ee Soomaaliya ka gaartay gobollo badan oo ay ciidanka Soomaaliya iyo ATMIS kala wareegeen Alshabaab.

6. Waxaa la bogaadiyey horumarka laga sameeyey dib u dhiska iyo casriyeynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

7. Waxaa la isla gartay dadaallada ay waddo dowladda federalka Soomaaliya ee ay ku dooneyso in dalalka ciidanku ka joogo Soomaaliya ay qeyb ka noqdaan hawlgallada hadda socda ee lagu burburinayo argagixisada Alshabaab.

8. Waxaa carrabka lagu adkeeyey baahida degdegga ah ee loo qabo in si wadajir ah loo qorsheeyo Istaraatiijiyad adag oo ka dhan ah Alshabaab.

9. Waxaa la isla gartay baahida loo qabo adkeynta qorshaha kala guurka ah ee hore u jiray kuna aaddan dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

10.Waxaa la isku raacay hawlgal qorsheysan oo ay ku mideysan yihiin dalalka safka hore laguna baadigoobayo oo lagu burburinayo Alshabaab, iyadoo lagu furayo furimo badan, ujeedkuna yahay in la beegsado goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan ee dhaca Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Ololahan sida gaar ah loo qorsheeyey ayaa u diidaya kooxda inay u gudubto gobolka intiisa kale.

11.  Waxaa la go’aamiyey in la dhiso hannaan la isugu dubbaridayo hawlgallada iyo awood mid ah oo cadowga Alshabaab lagu wajahayo.

12. Waxaa la soo dhaweeyey codsiga dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu qalabeynayo ciidamada cusub kuna heli karaan hubka fudud iyo kan culus, korna loo qaado awoodda ciidamada xoogga Soomaaliya

13. Waxaa la codsaday in saaxiibbada caalmiga ah inay Soomaaliya ka taageeraan dadaallada xasilinta ah ee ka socda goobaha dhawaan la xoreeyey si loogu fududeeyo dowladda Soomaaliya sidii ay kor ugu qaadi lahayd gaarsiinta adeegyadeeda  aasaasiga ah eegaannadaas.

14. Waxaa la amaanay horumarka laga sameeyey horumarinta awoodda lagu maareynayo hubka iyo rasaasta, waxaana la taageeray dadaalka Soomaaliya ugu jirto in gebi ahaanba la qaado cunnaqabateynta hubka dhammaadka sannadkaan aynu ku jirno ee 2023.

15. Waxaa aad carrabka loogu adkeeyey muhiimadda ay leedahay dhismaha nidaam isku xiran oo lagu sugo amniga xudduudaha kaas oo looga danleeyahay in lagu ciribtiro argagixisada isaga gudubta xudduudaha, laguna xaqiijiyo ganacsi sharci ah oo isu gudba.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.