Shir looga hadlayo xaluhelidda barakaca oo Muqdisho ka furmey

Muqdisho (WDN)- Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Md Xamsa Cabdi Barre oo maanta furay shirka qaran ee xaluhelidda barakaca, ayaa sheegay inay muhiim tahay in wax laga qabto sababaha keena barakaca oo ay ugu horreeyaan colaadaha iyo is-beddelka cimilada.

Shirka, oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa xukuumadda ra’iisalwasaare Xamse waxa ay kaga arrinsan doontaa sidii  xal waara loogu heli lahaa barakaca oo ay ugu horreyso in laga ciribtiro dalka Al-Shabaab oo caqabad ku ah xasiloonida iyo qaranimada.

Ra’iisalwasaare Xamse oo shirka hadal kooban ka jeediyey ayaa yiri, “Waxaa muhiim ah inay istaagaan sababaha ay dadku u baracayaan. Annagoo taa ka duuleynaya xukuumaddu waxay qaadatay inay Al-Shabaab la gasho dagaal bini’aadninimo oo lagu badbaadinayo nafta, maalka iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed”.

Shirka qaran ee barakacayaasha ayaa muddada uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa xalka ugu habboon ee wax looga qaban karo dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ee barakacay, ayadoo warbixinadii u dambeeyay ee laga soosaaray dadka gudaha dalka ku barakacey ay tilmaamayaan ku dhawaad laba milyan iyo bar barakacaal ah oo sababo la xariira colaadaha iyo saamaynta isbedelka cimilada oo ay ugu horreyso abaaraha baahsan iyo biyo la’aanta uga barakacay deegaanadooda.

Maxamed Cumar Sh. Aadan

WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.