Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Shir looga hadlayo dhamaystirka shuruudaha ku biirista Soomaaliya Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo Muqdisho ka furmey

Muqdisho (WDN)- Shirweyne muhiim ah oo ku saabsan hannaanka xaqiijinta shuruudaha looga baahan yahay Soomaaliya sidii ay uga mid noqon lahayd urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo ay kasoo qayb galeen 40 ergo òo ka socda dalalka Afrika, ayaa maanta ka furmay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Shir looga hadlayo dhamaystirka shuruudaha ku biirista Soomaaliya Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, Muqdisho

Wasiirka Arimaha Dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa shirweynaha daah furey, waxaana si aad ah loo adkeeyey amaanka magaalada Muqdisho maadaama marti caalami ah shirka ka qeyb galayaan Soomaaliyana uu muhiim u yahay miro dhalka shirkaan .

Wasiirka Arrimaha dibedda Md. Abshir Haruuse oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa warfidiyeenada u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saari doonto sidii ay ugu biiri laheyd urur gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Bariga Afrika, isla markaana la fulin doono talooyinka madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aadan muhimadda Soomaaliya u leedahay ka mid noqoshada urur goboleedkaan.

Soomaaliya ayaa dadaal xoog leh ku bixinaysa inay noqoto xubinta 8-aad ee urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana muuqata in haatan Soomaaliya ay leedahay rajo aad u fiican oo ku aadan xubinimadda urur goboleedkaan maadaama Soomaaliya ay ganacsiyo iyo maalgashiyo badan ku leedahay dalalka ku bahoobay urur goboleedkaasi. Taasi oo u ogolaanaysa ganacsatada Soomaamiyeed fursado ay ku ballaarinayaan ganacsigooda.

Maxamed Cumar

WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.