Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Shacab Soomaaliyeed oo Laga Tarxiilay Magaalada Laascoonood

Laascaanood, (WDN)- Ciidamada booliska ee magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool, ayaa lagu soo warramayaa in ay habeenkii xalay billaabeen hawlgal lagu ugaadhsanayo dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Koonfur Galbeed.

Hawlgalka oo lagu sheegay mid lagu sugayo ammaanka magaalada Laascaanood oo dhawaanahan ay ka dhacayeen dilal qorshaysani, ayaa lagu soo qaqabtay dad ay tiradoodu gaadhayso ilaa 700 oo qof oo ay ku jiraan ganacsato meherado ku lahaa magalaadaas, dumar, waayeel iyo carruur fara badan.

Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in dadkan maanta lagu soo ururiyay garoonka kubbadda cagta ee laascaanood, halkaana gawaadhi lagaga daabulay iyadoo mas’uuliyiintu sheegeen in la geyn doono deegaanada ay u dhasheen.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysaa iyadoo hadda ay magaalada Laascaano ku suganyihiin tiro wasiirro ah oo uu hoggaaminayo Maxamed Kaahin oo isagu u qaabilsan dhanka Arrimaha Gudaha maamulka Somaliland.

Taliyaha booliska gobolka Sool

Dhanka kale taliyaha Ciidanka Booliiska gobolka Sool Axmed Cabdillaahi Cabdi, oo ay saxaafaddu wax ka weydiisay sababta keentay in ay mastaafuriyaan dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa dadkaas ku tilmaamay dad ajaanib oo aan Somaliland u dhalan.

“Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajinabi, waxayna noola mid yihiin Itoobiyaanka oo kale. waana ka saaraynaa Laascaanood, annaga Soomaali ma nihin waxba nagama gelin, waxaanu nahay Somaliland” ayuu yidhi taliyuhu.

Hadalka taliyaha oo dadka Soomaaliyeed badankiisa la yaab ku noqotay ayaa si aad ah baraha bulshada loogu hadalhayay saacadihii aan soo dhaafnay.

Magaalada Laascaanood oo xarun u ah gobollada SSC, ayaa gacanta u gashay maamulka Somaliland sannadkii 2007kii ka dib markii ay ka eryeen maamulka Puntland oo xilligaas ka talin jiray.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.