Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka
Gudigga oo fulinaya waajibaadka loo igmaday sida uu qeexayo sharciga Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka ee la meel mariyey 2016kii. Gudiggu wuxuu dabagal baaritaanno, cilmi baaris iyo talo bixin ku samaynayaa arrimaha Xuquuqul Insaanka, waxaanu soo saarayaa oo uu xukumayaa shaqsiyaadka loo geysta gaboodfallada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha. Hay’adani waxay soo bandhigaysaa, horumarinaysaa, dabogalaysaa isla markaana difaacaysaa tix gelinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Hadafku waa in qaaraan lagu darsado bulshada Soomaaliyeed sidii loogu dammaanad qaadi lahaa qof kasta oo ka mid ah xuquuqdiisa aadaminimo xuduudka Soomaaliya gudaheeda, iyo sidii loo hubin lahaa in dadka Soomaaliyeed aan la liiddin, takoor lagu sameyn naceybna aan la tusin haddii ay u baahdaan inay nafohooga horumariyaan. Xubnaha guddiga masuuliyaddooda waa inay hubiyaan oo ay dabogalaan inay si habsami leh u socoto shaqadii loo igmaday ee uu u diray gudoomiyaha guddigu. Shaqada guddigu waxay ku dhisan tahay iskaashi, waana masuuliyadooda qaabka ay u tayeynayaan ama ay u horumarinayaan hirgelinta waajibaadka sharci ee loo igmaday.
Warbixinta oo kooban
Dhismaha Hay’adda Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka (GMBXI) ee Soomaaliya waxay ka mid tahay waxyaabaha mudnaanta uu siiyay Dastuurka KMG ka ah waxayna ku qeexan tahay Qodobka 135 (2) (c). Sidoo kale, dastuurku wuxuu ku caddeynayaa Qodobka 41(1) in; “Baarlamaanka Federaalka ah uu dhiso Guddi Xuquuqda Aadanaha u qaybsan oo ka madax bannaan maamulka Dawladda, lehna ilo dhaqaale oo uu si habsami leh ugu fuliyo hawlihiisa”. Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanku waxay noqonayaan kuwo si dastuuri ah u haysta waajibaad sharci oo ay ku difaacaan korna ugu qaadaan xuquuqul insaanka. Waxay guddigani noqonaysaa xeer beegti si loo difaaco xuquuqul insaanka Soomaaliya. Talooyinkii ku qornaa Dib u eegidda Caalamiga ah ee 2012kii iyo 2016kii, oo ay Soomaaliya ku soo bandhigtay ballanqaadyo, ayaa sidoo kale dhowr jeer hoosta ka xarriiqday baahida loo qabo in la dhiso GMBXI1. Laga soo billaabo Bishii September 2012ka, waxaa si joogto ah loo ballan qaadayay dhismaha GMBXI si waafaqsan sharciga.
Guddiga Ku Meel Gaarka ah ee Soo Xulidda
Hawsha ugu weyn ee Guddiga KMG ee soo xulidda, oo ay soo magacaabeen hay’ado kala duwan sida ku cad Qodobka 15 (i) ilaa (vii), iyadoo lala kaashanayo Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, ayaa waxay xuli doonaan xubnaha gudiddan sida ku xusan Qodobka 8aad ee Hindise Sharciyeedka Dhisidda Guddiga Xuuqul Insaanka. Wasaaradda oo la tashanaysa maamul goboleedyada ayaa waxay magacaabaysaa 19ka xubnood oo sumcad sare leh isla markaana ballan adag ku qaada inay ka qeyb qaataan hababka guddiga.
Halkan ka akhri shaacinta oo dhameystiran
WardheerNews
Leave a Reply