Muqdisho (WDN) — Soomaaliya ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay roobab ba’an ka da’aan qaybo kala duwan oo dalka ah. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) aya dhawaan soo saarto digniin la xiriirta xaaladda cimilada, isla markaana ugu baaqdo shirkadaha diyaaraddaha, garoomada diyaaradaha iyo rakaabka inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.
SCAA ayaa sheegtay in saadaasha cimiladu muujinayso roobab dhexdhexaad ah ilaa kuwa xooggan oo laga filayo qaybo ka mid ah galbeedka Soomaaliya, gobollada dhexe iyo deegaanno ka tirsan bariga dalka. Gobollada la filayo inay helaan roobab dhexdhexaad ah waxaa ka mid ah Sool, Nugaal, Mudug, Shabeellaha iyo Gedo, iyadoo xoogga roobabku uu ku kala duwanaan doono deegaannada.
Hay’addu waxay ka digtay in isbeddellada xaaladaha cimiladu ay saamayn ku yeelan karaan badqabka duulimaadyada, waxayna shirkadaha diyaaradaha, garoomada iyo rakaabka kula talisay inay si dhow ula socdaan saadaasha cimilada iyo digniinaha la xiriira duulista.
Rakaabka safraya muddadan waxaa sidaas darteed lagula dardaarmay inay si joogto ah ula socdaan wararka rasmiga ah ee cimilada iyo xaaladda duulimaadyada, isla markaana ay raacaan xogaha iyo tilmaamaha ay soo saaraan shirkadaha diyaaradaha iyo hay’adaha duulista.
Si kastaba ha ahaatee, SCAA waxay sheegtay in saadaasha hadda jirta aysan muujinayn in Soomaaliya ay toddobaadka soo socda ku wajahan tahay duufaan weyn ama duufaan-badeed (cyclone) saameyn ballaaran leh.
Hay’addu waxay intaas ku dartay inay si joogto ah ula socon doonto xaaladd cimilada, iyadoo adeegsanaysa saadaasha hawada iyo warbixinnada maalinlaha ah, si ay bulshada iyo dhinacyada duulista ugu gudbiso xogta ku saabsan isbeddello kasta oo saamayn ku yeelan kara duulimaadyada iyo badqabka hawada Soomaaliya.
“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan shirkadaha diyaaradaha, garoomada diyaaradaha iyo dadka isticmaala adeegyada duulista inay si dhow ula socdaan isbeddellada ku yimaadda saadaasha cimilada,” ayay SCAA ku sheegtay digniinteeda.
WardheerNews

Leave a Reply