Sanbalooshe iyo Saacid oo xilkii laga qaaday

Muqdisho( WDN) Warar soo gaadhay wardheerNews, ayaa sheegaya in golaha Wasiiradda Soomaaliya oo shir degdeg ah ku yeeshay maanta magaalda Muqdisho, lagu go’aamiyay in xilka laga qaaday:

1)Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed (NISA) Cabdullaahi Sanbalooshe

2) Taliyaha Ciidanka Boolislka Soomaaliyeed: Cabdixakiim Daahir Saacid.

Xil ka qaadista ayaa lagu wadaa in ay sabab u tahay, iyaga oo ku fashilmay gudashada howlaha sugidda Aminga ee loo igmaday.
Wali ma cadda haddii dad kaleeto oo uu ugu horeeyo Wasiirka Aminiga iyo Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda Gobolaka Banaadir lagu dari doono xil ka qaadista.

Dowladda Farmaajo ayaa ay la soo deristay tan iyo intii ay xukunka dalka la wareegtay habac-sanaan iyo karti darro dhinaca ammanka ah, iyada oo bishan Oktoober 14-dii uu ka dhacay Muqdisho qaraxii ugu dhimashada badnaa tan iyo intii ay Al Shabaab bilowday qaraxyada ismiidaaminta ah.

Waxa kale oo isla bishan Oktoober 28-dii ka dhacay Hoteelka Naaso-Hablood II, qarax kale oo ay dad lagu qiyaasay in ka badna 20  ruux ku dhinteen.

Waxa ayaan darro ah in Dowladda Farmaajo ay ku qaadatay dhimashada in ka badan 400 oo qof si ay xilka uga qaadaan Sanbalooshe iyo Saacid. Su’aasha meesha ku jirtaa waxa ay tahay imise dad oo kale ayaa la rabaa in ay dhimato si loola xisaabtamo ama xilka looga qaado wasiirka Aminiga oo ah mas’uulka ugu sareeya ha’addaha Amniga!

WardheerNews