Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Market Bazaar
  • Slideshow

Saldanadda Doollarka Maraykanku ma sii jiri doontaa

W/Q Maxamed Dalmar

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump wuxuu cunaqabateyn ku soo rogay dalal kala duwan, shirkado ganacsi iyo weliba shakhsiyaad gaar ah, isagoo mid waliba u cuskaday marmarsiinyo aan macquul ahayn ooy ka muuqato awood sheegasho. Dalalka cunaqabateynta la saaray waxaa ka mid ah Shiinaha, Ruushka, Iiraan Turkiga, Venezuela, North Korea iyo kuwa kale. Waxaa ugu daran Iiraan oo si gaar ah loo bartilmaansaday.

Markii aad maqasho Maraykanka ayaa dal ama qof shakhsi ah cunaqabateyn saaray, waxaad ku fakareysaa malaha xiriirka ganacsiga ayuu u goynayaa hadduu yahay dal ama visaha ayuu u diiddayaa hadduu yahay qof shaksi ah. Haddana waxaad isleedahay oo muxuu Maraykanku qofkaas ama dalkaas kala maqan yahay amase ka tari karaa? Arrintu intaas waa ka culus tahay sidaan hoos uga faaloon doono.

Doollarka: Hubka culus ee Maraykanka

Madaxweyne Trump wuxuu doollarka u adeegsadaa hub ahaan, isago ka faa’iideysanaya kaalinta doollarku kaga jiro dhaqaalaha iyo ganacsiga adduunweeynaha.

Lacagta Doolarka Maraykanka oo ah lacagta adduunka u horeysa ee wax lagu kala iibsado

Sayladdaha lacagaha adduunka waxaa ka taliya doollarka Maraykanka, 90% dhaqdhaqaaqa suuqa sarrifka lacagaha adduunka waxaa saameeya dollarka. Todoba (7) dal ayaa doollarka u isticmaala lacag qaran ahaan (waa 8 haddii Soomaaliya lagu daro); 89 kalena waxay lacagahoodu ku xiran yihiin doollarka Maraykanka; 62% kaydka lacagaha ay Bankiyada Dhexe haystaan waa doollar. $580 milyan oo lacag kaash ah oo xaashiyo dollar ah oo u badan $100 iyo $50, ayaa ka socda dalal ka baxsan xuduudka Maraykanka.

Bankiyada adduunku si ay u hubiyaan, una sugaan ammaanada lacagaha ay isu xawilayaan, waxay sameysteen urur iyo hab isgaarsiineed oo ay ku wada xiriiraan, farrimahana isugu gudbiyaan oo loo yaqaan SWIFT (Society for Worldwide Interbank Financial Telecommunication), xaruntiisuna tahay dalka Belgium. Waa shabakad isku xirtaa Bankiyada adduunka, iyadoo adeegsaneeysana isgaarsiinta casriga ah ee elektronigga ah. Ka hor intaan SWIFT la dhisin, Bankiyadu waxay toos isugu diri jireen Banki-ka-Banki telegram ama telex, markay lacag xawilayaan. Inkasta oo in ka badan 200 banki ay ku jiraan ururka, haddana waxaa lacagaha ugu badan lagu xawila bankiyo farakutiris ah oo Maraykan iyo Yurub ah, lacagta ugu badan oo la isticmaalana waa doollarka Maraykanka oo shabakadda udubdhexaad u ah.

Markii 911 dhacay, Maraykanku iyagoo ku andacoonaya inay ilalinayaan dhaqdhaqaaqa lacagta argagixisada, waxay maamulka SWIFT ku khasbeen inay siiyaan xogta la xiriirta dhaqdhaqaaqa lacagaha la kala xawilo, sidaasna waxaa ku bilowday faragelinta Maraykanka inkastoo ururka loogu talagalay inuu siyaasad ka madaxbannaanoodo. Sanadkii 2012, waxay dawladda Maraykanku haddana ku khasabtay maamulka SWIFT, in shabakadda laga saaro ciddii ay Maraykanku cunaqabateeyn saaraan. Amarkaas waxaa lagu fuliyey Iiraan oo  bankiyadeeda iyo hay’adaheeda maaliyeed loo jaray xiriirka oo laga xanibay inay lacag diraan ama loo soo diro. Taasina waxay dhalisey in badeecadaha daruuriga ah la waayo, sicirbarar dhaco, sarrifka lacagta Iiraan (Riyaal) aad u qiime dhacdo, nolosha dadweynuhu ciriiri gasho, markaasna, sida Maraykanku qorsheynayaan, dadweynuha reer Iiraan kacaan oo dawladda ridaan. Kun gantaal oo lagu dhufto, waxaa Iiraan uga xanuun badan go’doominta la go’doomiyey. Iyada keliya lama go’doomin ee waxaa kaloo la go’doomiyey ciddi la macaamilsha oo SWIFT’ga laga saaray,

Waxaa isweyndiin leh, maxaa amarka Maraykanka loo fulinayaa. Waxay bankiyadu ka cabsanayaan inuu ganaax dul saaro. Sababtuna waxay tahay, doollarka ayaa ugu badan lacagaha la isticmaalo, Maraykankuna wuxuu ku andacoonayaa in ciddii doollar isticmaasha ay hoos imaaneyso sharciga Maraykanka, oo ciqaab la kulmi doonto haddayan fulin amarkooda.

Waxaan isleeyahay Maraykanku wuxuu xawaaladdaha Soomaaliyeed ugu dhagen yahay, wuxuu la’yahay oo rabaa inuu helo xarun dhexe oo dhaqdhaqaaqa xawaaladdaha kulmisa, uuna kala socdo dhaqdhaqaaqaas sida SWIFT.

Goormuu dollarku noqday lacagta adduunka?

Dagaalkii labaad oo sii dhammaanaya, ayaa 44 dal oo isku xulufo ah, ku shireen sanadkii 1944 Hotel ku yaal meesha lagu dalxiiso ee yiraahdo “Bretton Woods” oo ku taal gobolka New Hampshire ee Maraykanka. Waa  shirkii lagu asaasay hay’adaha IMF iyo Bankiga Adduunka. Ulajeedada shirku waxay ahayd in laga arrinsado sidii nidaam loogu dejin lahaa hannaanka lacagaha adduunka. Waxaa la xusuustaa in sanooyinkii u dhexeeyey Dagaalkii kowad iyo kii labaad, adduunku galay khalkhal dhaqaale iyo fowdo xagga sarrifka lacagaha.

Shirkii lagu asaasay hay’adaha IMF iyo Bankiga Adduunka
sanadkii 1944, Bretton Woods, New Hampshire, USA

Shirka waxaa garwadeen ka ahaa Maraykanka oo xilligaas ahayd dawldda leh dhaqaalaha ugu weyn adduunka, haysatana dahabka ugu badan, warshadaheedu shaqeeynayeen, halka kuwii Yurub-na burbureen. lacagteeduna tahay tan adduunka ugu qaalisan. Waxaa jirey laba hindise. Mid waxaa soo jeediyey hoggaamiyaha wafdiga Ingiriiska, dhaqaalyahankii caanka ahaa John Maynard Keynes, oo soo jeediyey in adduunka lacag caalami ah loo sameeyo oo uu isagu bixiyey magaca “Bancor” iyo Banki Dhexe oo caalami ah oo lacagtaas maamula.

Hindisahaas waxaa ka horyimid hoggamiyihii wafdiga Maraykanka Harry Dexter White, oo soo jeediyeye in lacagaha adduunka oo idil lagu xiro doollarka, doollarkana lagu xiro dahabka, iyadoo dawladda Maraykanku ballanqaadeyso inay dollarka dahab ugu beddeli doonto ciddii dalbata iyo mar allaale iyo markii laga soo dalbado.

Hindisihii Maraykanka ayaa la qaatay oo meelmaray, sidaas ayaana doollarku ku noqday lacagta adduunka, ama boqorka lacagaha. Waxay aheyd xilli uu Ingiriiskuna sii dhacayey, Maraykankuna soo kacay oo muruqiisa tuujinayey.

Dagaalkii 2aad ka dib, dhaqaalaha dawladdihii dagaalka ku burburay waa soo kabtay, waxsoosaarkoodiina waa kobcay, baahida ay doollarka u qabeenna waa yaraatay. Dhanka kale, Maraykanka ayaa qoorta la galay dagaalkii Vietnam oo kharash badani ugaga baxay, naf iyo maal. Kharashkaas oo sababay in dawladda Maraykanku daabacdo dollar buuxdhaafiyey sayladdaha lacagaha adduunka.Waxaa markaas lumay kalsoonidii lagu qabay doollarka Maraykanka. Waxaa bilowday in dawladdihii doollarka haystay ay Maraykanka ka dalbaan inuu ugu beddelo dahab sidii heshiisku ahaa. Maraykanku wuxuu bilaabay cagajugleyn iyo inuu dawladdaha hoos ugu cadaaddiyo in ayan dahab ka dalbin, siiba Jarmalka iyo Jabaan oo uu saldhigyo military ku lahaa.

Madaxweynihii Faransiiska ee DeGaule, ayaa ka horyimid siyaasadda lacagta ee Maraykanka. Wuxuu dalbay in doollarka ay haystaan loogu beddelo dahab oo weliba, isagoo dhinac maraya dhaqanka bankiyada, Markab kaga soo raray dahabkii u yiil bankiga dhexe ee Maraykanka, Federal Reserve Bank of New York (caadiyan, dahabka meeshiisa ayaa loo daaya, magaca dawladda leh ayaa lagu kor qoraa oo keliya). Intaas keliya kagama harine, wuxuu ka digay khatarta iyo cadaalad-darrida ay leedahay in lacag dawlad gaar ah leedahay loo isticmaalo sidii lacag caalami ah. Wuxuu farta ku fiiqay faa’iidada xad-dhaafka ah ee Maraykanku ka helayo markii adduunku isticmaalo lacagtiisa. Haddaan tusaale u soo qaato, xaashida boqolka dollar ee Maraykanka ($100), waxay sameeynteedu kharash ahaan ku kaceeysaa qiyaas 2 senti (0.02), Maraykankuse wuxuu adduunka kaga gadanayaa agab u dhigma $100.

Haddaan Soomaaliya ku dabaqno, si aan u helno $100, waxaan u baahannahay inaan dhoofinno laba neef oo ari ah; Maraykankuse wuxuu ina siinayaa wax u dhigma koob shah ah (0.02).

Sanooyinkii lixdameeyadii waxaa hannaanka lacagaha adduunku galay khalkhal iyo xasarad ka imanayey doollarka oo suuqa ku sii badanaya iyo dahabka Maraykanka oo sii yaraanaya. Walwalku wuxuu ka imanayey, waxaa la arkayey in dahabka Maraykanku haysto uusan dabooli karin doollarka seyladdaha adduunka  qarqiyey. Waxay qaraxday Bishii August 1971 markii Madaxweyne Nixon ku dhawaaqay in Maraykanku uusan taariikhdaas ka dib doollar dambe u beddeli doonin dahab. Halkaasna waxaa ku burburay nidaamkii la dhisay 1944 ee “Bretton Woods”.  

Halkan ka akhri maqaalka oo dhan- Saldanadda Doollarka

Maxamad Dalmar
Email: [email protected]

————
Maxamed Dalmar waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo ahaa Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe, islamarkaana Bare ka ahaa kuliyaddii Dhaqaalaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Dalmar waxa uuu degelkan WardheerNews kaga faaloodaa arrimaha dhaqaalaha .


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.