Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Religion
  • Slideshow

Salafiyada iyo Danaha Sucuudiga: Raadraac Taariikheed (Q.2aad)

W.Q: Aqbal Aabi

Salafiya Jadiidiyah

Bariga Dhexe

Inkastoo aysan salafiyada magacan loogu yeero aysan ogolayn tilmaantan ayey haddana ku sifaysanyihiin macnaha uu xambaarsan yahay. Taariikhda dhaqdhaqaaqan ayaa asal ahaan loo tiriyaa inuu soo ifbaxay wakhtigii dagaalkii “duufaantii saxaaraha” ee maraykanku uu ku qaaday dalka Ciraaq kadib waxyar markii uu Saddaam Xuseyn qabsaday Kuwait. Markii uu keligii taliye Saddaam si lama filaan ah ula wareegay Kuwait ayaa cabsi badani soo wajahday wadanka Sucuudiga iyagoo ka yaabay inuu ku soo siqo dhanka sucuudiga oo markaa cudud ciidan oo ay iskaga caabbiyaan aan lahayn. Maraykanka oo ay xulufo taariikhi ah yihiin Sucuudiga ayaa markiiba u soo bandhigay inay keenaan ciidamo Boqortooyada Sucuudiga, si ay uga difaacaan Saddaam.

Waxaa markiiba billowday dood diini ah oo salka ku haysa “Gaal ma la kaalmaysan karaa? Dhulka Xaramaynka gaal inuu difaaco oo Muslim ka difaaco ma bannaan tahay? Waxaa la soo sheegaa in Usama bin Laden oo markaas ka soo noqday Afghanistan oo carcartiisa qabay uu soo jeediyey in isaga iyo ciidamadiisu ku filan yihiin inay difaacaan Sucuudiga oo aanan loo baahnayn in ciidamo gaalo ah dhulka barakaysan la soo dhoobo. Wuxuu ka digay Usama in cawaaqib xumo ay ka dhalanayso in gaalo loo ogolaado inay soo degaan Xarameynka. Culimada ka hor yimid arrintan waxaa ka mid ahaa Sh. Salman Al-Cawdah, Sh. Safar Xawalah, Sh. Caa’id Alqarni iyo kuwo kale oo badan. Markii dambe Sh. Ibnu baaz ayaa fatwooday inay bannaan tahay in la kaalmaysto gaalo haddii saa’il laga celinayo Muslimiinta awood kale oo lagu difaacana aan loo heynin.

Sida dadka la socday saxwada islaamka ay ka warhayeen markaas iyada ah culimadan ka hortimid doonista dowladda Sucuudiga ee ah in Maraykanku difaaco jiritaanka Boqortooyada sumcad badan ayey ku dhex lahaayeen saaxadda saxwada iyo midda Caalamka Islaamkaba, waxayna u muuqdeen kuwo Khalkhal gelin kara jiritaanka Boqortooyada iyo danaheeda siyaasadeed. Sida uu mar kale ku qoray Cabdishakuur Mire Aadam buuggiisa Koboca Islaamiyiinta ee Soomaaliya, waxaa loo baahday dhaqdhaqaaq diini ah oo dheeli-tira midka salafiyada jihaad doonka ah ee ka hortimid siyaadada dagaalka ee Sucuudiga. Wuxuuna Amiir Naa’if bin Cabdilcaziiz qaabeeyey amaamudkii ugu horreeyey ee kooxda loogu yeero Salifyah Jadiidah. 

Koox diimeedkan ayaa dadaalkooda ugu badan ku bixiya ladagaalanka waxa ay ugu yeeraan bidcada iyo xisbiyada oo ay ku duraan salafiyada kale oo ay ku eedeeyaan inay urur-diimeedyo diintu diiday ay sameysteen. Waxay ku andacoodaan in xukuumadaha islaamka nooca ay doonaanba xukunka ha ku qabsadaane in ay yihiin amiirkii mu’miniinta, in laga horyimaadana ay tahay khawaarijnimo. Ujeedada ugu weyn oo loo aasaasay waxay ahayd inay sharciyad siiyaan istiraatiijiyaadka Boqortooyada una galiyaan shaadh diimeed. Waxaan la inkiri karin in culimada hoggaanka u qabtay aragtidan cusub marka laga reebo kuwa ay sida tooska ah ugu tallaaleen dowladdu, ay diin iyo Alle u dhawaansho ka tahay waxa ay dadka ugu yeerayaan laakiin waxaad xusuusataa in aragtida asal ahaan la sameeyo ciddii maraakis iyo dhaqaale u haysatana warkeedaba daa.

Fartayda Yaa Subagga ku Dhuuqay

Iyadoo Maxamed bin Salmaan (MBS) uu ku faanayo in faafinta dhaqdhaqaaqa saxwada islaamiga ah ama wahaabiyada ay ka turjumaysay rabitaanka saaxiibbadii dagaalkii qaboobaa, ayaa wuxuu sheegay in haddana loo noqonayo wuxuu ugu yeeray wakhtigii ka horreeyey 1979-kii oo ku aaddan markii ay kacaankii Khumeyni iyo shiicadiisii ay la wareegeen hoggaanka dalka iiraan. Haddana waxay wali waddamo badan oo muslimiin ah oo Soomaaliya ka mid tahay ay la il-xunyihiin duuflaalintii iyo dhaqan roggii lagu sameeyey dhalinyaro badan oo jihaad beeneed inta badan lagu waxyeelaynayo shucuubtooda lagu halakeeyey.

Al Shabaab

Dhaqadhaqaaqa Alshabaab oo lagu sheego inuu ka mid yahay ururada ay aadka u dhex galeen sirdoonada waddamada Carabta iyo kuwa caalamkuba ayaa wali dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed u haystaan inuu raadinayo ama doonayo soo celinta khilaafadii islaamka. Nin waddaad ah ayaa waa hore igu yiri ninayhow wadaaddada Soomaalida maxaa saraakiishii ciidamada ee Soomaaliya u badiyey? Hoos uma aanan fiirinin su’aasha uu markaa ninku I weydiiyey laakiin waxaa hubaal ah in sida khamiisyadu u wada cad yihiin aysan arrintu suusuubi u wada ahayn. Waxaa nin waa hore laga sheegay: war nimanyahow fartayda yaa subagga ku dhuuqay?

Haddaba iyadoo beryahan adduunku muslim iyo gaalba ay la argagaxsan yihiin falka foosha xun iyo dilka arxan la’aanta ee lagula kacay wariyihii Jamal Khashoqji  oo loo tiirinayo inuu ka dambeeyo dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudigu, Maxamed bin Salmaan, iyo culimada tirada badan oo ay ka mid yihiin Salman Al-cowdah iyo Safar Xawaalah ee ku silicsan xabsiyada waddankaas,  cidna miyey ka dahsoon tahay in danaha dowladda sucuudigu ka horreeyaan midda diinta, xuquuqda insaanka, xorriyada shaqsiga iyo waliba dhiigga muslimku?

W.Q: Aqbal Aabi
Email: [email protected]

Akhri sidoo kale:

SALAFIYADA IYO DANAHA SUCUUDIGA: RAADRAAC TAARIIKHEED (Q.1AAD)


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.