Sakariya Cabdillaahi Cali oo ah Qareenka Dalladda Mucaaradka Jabuuti ee USN iyo Laba Nin oo Faransiis ah oo Xabsiga Magaalada Cali Sabiix Loo Taxaabay

sakariyeJabuuti, Jan 24, 2014 (WDN)- Wararka aan ka helayno dhinaca mucaaradka Jabuuti, ayaa sheegaya in ciiddamada loo yaqaan Jaadeeranka ee fadhigoodu yahay magaalada Cali Sabiix ay shalay galabnimadii xabsiga magaalada Cali Sabiix u taxaabeen Md. Sakariya Cabdillaahi Cali oo ah qareenka dalladda mucaaradka Jabuuti ee afka qalaad loogu soo gaabiyo USN. Warka ayaa waxa uu intaas ku darayaa in Md Sakariya lala qabtay saddex qof oo kale oo laba ka mid ahi ay yihiin Faransiis, kuwaas oo la sheegay in ay saaxiibo dhaw ay ahaayeen garyaqaanka.

Sakariya Cabdillaahi Cali waa garyaqaan u doodda xaqa dalladda USN, sidoo kale waxa uu ka madax yahay hay’adda xuquuqda aadanaha ee LDDH, waana xubin ka mid ah Baarlamaanka Daladda Mucaaradka Jabuuti.

“Garyaqaaka waxaa lagu bartilmaameedsaday hawlaha uu u hayo daladda mucaaradka Jabuuti oo keliya ee ma jirto dambi kale oo loo haystaa ama la odhan karo waa ku mutaystay xabsiga uu hadda ku jiro”, sidaa waxa lagu sheegay qoraal uu na soo gaashsiiyay Axmed Reyaale oo ka mid ah mucaaradka Jabuuti.

Dhawaan ayay ahayd markii xabsiga loo taxaabay mas’uuliyiin sarsare oo ka mid ah dalladda mucaaradka Jabuuti xilli ay xusayeen sannadguurada ka soo wareegtay aasaaskii dalladdaas, inkastoo markii dambe xorriyaddoodii loo soo celiyay.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.