Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame
Cutubkii 9-aad: Harar ilaa Berbera
Subaxii Sabtida, Janawari 13, ayaa intii aysan qorraxdu soo baxin wax badan ka hor gammaankii la kooreeyay, la xakameeyay, oo alaabteennii yarayd lagu raray. Quraac degdeg ah ka dib, ayaannu odaygii Suldaanka dhufaanka ahaa gacanqaadnay, oo inta gaadiidkayagii fuulnay waddooyinkii cidlada ahaa ciribta ku sii dhufannay. Isla markiiba, tabardarridii iyo xanuunkii ba waa i daayeen, illeen farxadi waa daawo culus e! Wardiyeyaashii oo gudaha kadaloob dab ku kulaalaya ayaannu salaan cod dheer ku sagootinnay. Markii aannu irdaha ka sii baxaynnay ayaa culays werwer iyo dareen lehi sidii dirac bir ah oo aan gashanaa iiga dhacay.

Haddana, sidaa oo ay tahay, gacaliye L[umsdenow], waxaan helay waqti aan baqalkayga dushiisa kaga fikiro sida guuli aanay naallo u lahayn. Halka guuldarradu ay ninka ragga ah dareenkiisa kiciso, guushu waxay u akhrisaa uun casharkii oraah murtiyeeddu lahayd guulaheenna oo dhammi waa sida ’harka iyo waxaan sii jirayn’. Kii yiri ’guuldarradu waa milixa nolosha’ isaguna run ayuu sheegay. Waa dhanaan nafta u roon, maskaxda u laylya isku day cusub, guushana qiimaheeda labajibbaar gaarsiiya. Sidaa ayuu hooskaa aan naallada lahayni dhakhso noo dhaafay.
Subaxu waa uu qurxoonaa. Waa cir aan daruur lahyn, qoraxi aanay qayirin, xayaabo lafcir ahi fiiqaqa buuraha meesha fog ka muuqda taash saartay, giraano qiiq ahi ay hareereeyeen xaafadaha wali hurda, hawaduna ay ka wacnayd tii cuslayd ee magaalada. Dhedadu iyada oo sidii kuulo dheemman waawayn ah ayay geedaha bunka ka lulatay, digiirantuna dhirta jidka dhinacyadiisa ah ayay si aan aabayeel lahayn uga ciyaysay. Aan soo koobee, waligay, hadda ka hor, wajiga quruxda dabiiciga ahi iigu ma muuqan dhab ahaantaas wanaagsan.
Horay ayaannu u sii degdegnay, annaga oo aan rabin in aan waqti luminno oo kabaqayna ciridda Togga Erer. Toggii ayaannu jarnay, iyada oo buntukhyadu cabbaysanyihiin, dareen laga qabo warmoolay Oromo oo xas noo gasha awgi. Waxaannu soo galnay waraq afka soo kala haya, dabadeedna wadiiqo kor uga baxdana ayaannu sii tafnay. Weheliyeyaashayda aad ayay niyadu ugu dhisnayd, farxaddaa guud ahaaneedna ma dhabqin cid aan ahayn dhagarqabihii Abtidoon ahaa oo jid dadkii suuqu ka buuxaan faan aan jirin ku dheeraystay in baqalka uu fuushanyahay aannu Amiirka kaga helnay Jisyad ama baad. Xammaali oo caro la dibbiray ayaa markaa ugu hanjabay in uu bartaa ku toogto. Dabadeed, si aanan dhib yar kala kulmin ayaan aniguna xaaladdii ku dejiyay.
Garfa markii aannu maraynay, waxa aannu Midgaha ka ogaannay in Garaad Aadan uu buugtaydii u soo cid diray oo uu gurigiisa ku xareeyay. Dabadeed, si toos ah ayaannu Kondura u qabannay. Todoba saac oo duhurnimo ayaannu si nabadgelyo ah kaga gudubnay Jarka Oromada, saacad ku dhawaad ka dibna ’Alxamdu Lillaah’ ayaa naga soo kudday, markii aannu isha saarnay Shagarrax [?] iyo Banbcawseedka Maraar oo meel fog ka muuqda. Degmada markii aannu soo galnay ayaannu hubkayagii baaq ka ridnay. Dumarkii mashxarad ayay nagu soo dhoweeyeen, markii aannu deyrka sii dhaafayayna Garaado Khayra ayaa iyada oo ’Fola’ [?] samaynaysa xoogaa salool ah dusha iiga daadisay. Raggu si saaxiibtinnimo ku dheehantahay ayay noo gacanqaadeen, qaar farxadda ay ka qaadeen aragtida nolol ku soo noqoshadeenna ayay cayaar tunteen. Waxay maqaleen in nala xiray, nala garaacay, oo nala gawracay. Waxay ku dhaarteen in Garaadku uu ciidan na soo furta ama noo aarguda dumayay. Dhab ahaan, haddii aan tolkood ahaan lahayn, raynrayn badani ma muuqateen. Ugu dambayntii, Yawmul Qiyaame ayaa si qumman oo edboon inta hore ugu soo istaagay gacanta iga dhunkaday, isaga oo indhihiisa illini ku taagtaagantahay. Xataa sharaftiisii uu ku ahaa Mercurygii [dhambaalside] Sharma’arke si fiican loogu ma soorin, habeennadiisii iyo maalmihiisii daalka badnaana wuxuu ku idlaystay akhriska suuradda Y. S. [Yaasiin?] iyo tasbiixsi uu khayr ku ducaysanayo. Wuxuu sheegay in Garaadku siin lahaa neef ido ah gabdhihiisana uu mid ku sii meherin lahaae uu Shirwac ka dhabqiyay oo odayga sakhinnimadiisii u baasbaxay. ‘Inkaari kugu dhacday, midka cagaha dhiiqada leh ku wasakheeyay durdur xareed nadiifa ah!’ ayuu ku haaraantamay Yawmul Qiyaame.
Sahankii Sir Richard Burton: Cutubka-9aad- Harar ilaa Berbera
Tarjumo & Tifaftir Boodhari Warsame
Email: Bodhari.warsame@gmail.com
_________
Boodhari waa qoraa tarjumay ama gacanta ku haya buuggaag badan oo qiimo taariikheed ku leh Soomaaliya. Waxa uuna si joogto ah qoraaladiisa ugu soo ban dhigaa degelka WardheerNews
Leave a Reply