Bishii Febraayo 1978, ayaa dagaalkii dhawrka bilood soconayay ee dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya marxalad iyo waaya cusub galay. Daadkii oo xagga kale ku soo rogmaday ayaa la arkay. Ciidankii Soomaaliyeed oo aan u babac dhigi karayn huwanta isbiirsatay ee Midowga Soofiyeeti calanka u sido, ayaa amar lagu siiyay inay Itoobiya ka soo baxaan. Cabsi laga qabo gadood ka dhalan kara ciidan soo jabay uu Xamar la soo galana waa laga ilaaliyay.
Shacbi, dawlad, iyo militariga Soomaaliyeed dhammaantood hammadjab weyn ayaa ku dhacday. Dadkii shalay isku duubnaa intii guushu muuqatay, ayaa markan kala daatay oo si kale u wada xisaabtamay iyadoo cid waliba meeshay rabto eedda saarayso. Jawigoo sidaas u cakiran, dadkuna jahawareerkaas ku jiro, ayaa bishii Abriil 10keedii koox is urursatay oo xoogga dalka ka tirsani inqilaab isku dayeen talada dalka lagu la wareegayo. Kacdoonkaas waa la jebiyay; madaxdii soo abaabushayna intii la qabtay waa la toogtay. Qalalaasihii dalka ka jiray ayay arrintaasi sii dacaraysay. Nacceyb iyo tuhun hor leh ayaa soo kordhay.
Halkaas marka xaal marayo, ayaan talo ku goostay inaan dalka ka baxo oo xaggaas iyo Cadantii aan awelba ka imi u ambabaxo, ka bacdina reerka dejiyo. Deris ahaan, diin ahaan, dhaqan ahaan intaba xaaska iyo carruurtu inay la qabsan karayaan ayaan u arkayay. Marka ay dabayl caafimaad dalka ka dillaacdo, doonta iyo diyaaradda ugu horraysa ayaa saacado gudahood kugu celinaysa geyigii ayaan nafta ku naawilay. Sannad buuxa ayay iga qaadatay sidaan Cadan ku gaari lahaa. Dhawr dal ayaan soo maray oo ku wada hakaday; laga bilaabo Imaaraatka Carabta, Kuweyt, Ciraaq iyo Suuriya.
Bishii Maarso ayaan Cadan soo galay. Huteelka Metropolitan ee Cadan weyn ku yaal ayaan ku degay. Xilka iyo hawsha ugu culus ee i saarani waa sidii aan xaaskii iyo carruurtii Cadan u keeni lahaa. Ka bacdi, ‘webiga i sidee, i walwaalayaa, xagguu igu wadaa!!’ Duni muddo iigu dambaysay ayaan waqti fiican u helay inaan isku mashquuliyo ka-war-doonkeeda. Ma ayse noqon! Laba arrimood oo aan qorshe iska daaye aanan haabkaba ku hayn ayaa iska soo daba dhacay muddo gaaban gudahood oo xaaskiiba ka soo soke maray: Dhallinyaro Soomaaliyeed oo wadaninimo mooyee aan wax kale ka dhexayn ayaa ka war helay inaan barroosinkii Cadan dhigtay. Bilo dhexdood ayay iska daba yimaaddeen iyagoo badankoodu iska war hayn, meelo kala durugssanna ka kala yimid. Tan ay ka midaysan yihiin waa daadka midkoodba meeshiisii ugu galay iyo himiladooda ah inay dalkooda kuwii wax tara noqdaan. Isbarasho na dhex martay ka dib, waxaan ogaaday inay ka tirsanaayeen kuwii ugu fadallo caddaa ee Kacaanka bilawgiisii qalbiga u ritay, imminkana xarig iyo handidaad ka soo cararay. Qunsulka Midowga Soofiyeeti u jooga Cadan ayaa waxbarasho ugu deeqay marka xilligeeda la gaaro; inta ka horraysana ay xarunta dhaqanka ee Soofiyetka (Soviet Cultural Centre) afka ka bartaan si hadhow ay ugu fududaato markay Moosko ka degaan.
Midda kalena waxaa huteelka la soo dejyay qoys Koonfur Afrika ka socda oo ilma yar wata, oo haweenaydu soo sed dhowaysay. Ninka waxaa la yiraahdaa Willie kgostatile. Waa madaxa ururka qoraaga Koonfur Afrika. Waa gabyaa, isla marka suxufi ah. Moosko ayuu ku jeedaa oo wuxuu beddelayaa saaxiibkii Alex La Guma, guddoomiyihii ururka Afro-Asian Writers oo dhowaan Moosko ku geeriyooday. Ooridiisa Baleka lafteedu guddiga sare ee qoraaga ayay ku jirtaa. Waxaa soo-dejintooda iyo barnaamijkooda qaabilsan Ururka Qoraaga iyo Halabuurka Yamaneed oo labada talis ee Koonfur iyo Waqooyiga Yamaneedba ka madaxbannaan ( waa mucjiso diraasad u baahan!) Muddadii qoyskaasi uu Cadan joogay ma ay jrto maalin aan maanso uu leeyahay Willie aanay iyadoo tarjuman ku soo bixin wargeysyada dalkaa ka soo baxa. Haweenaydii Baleka iyadana halkaas ayaa fooli ku qabatay oo ay gabar ku dhashay maalin dalka ka caan ah 30 Noofambar . Waa maalintii Yamanta Konfureed gobanimada qaadatay. Cumar Al-Gaawi madaxa qoraaga midaysan ee Yamaneed ayaa ka codsaday Ra’iisal-Wasaaraha dalka ee Cali Naasir Maxamed inu ummusha iyo reerkeeda ku soo booqdo huteelka oo hadiyad labada munaasabadood u dhiganta u keeno. Hadiyad aad u qaali ah ayuu xoghayihiisa u soo dhiibay Rasiisal-wasaaruhu isaguse wuu cudurdaartay. Cumar Al-Gaawi oo kaftanka dhiirran lagu yaqaan ayaa xoghayihii farriin ugu dhiibay Cali Naasir markii xafladdii dhammatay. “Jagooyin been ah oo dhalaal weyn kuwo sita hadday yihiin waa loo iman lahaa ee bal eega halkay ka joogaan Cilmiga iyo Aqoonta!” ayuu xoghayaha sii faray oo u raaciyay hana ka illaawin sheekadii General De Gaule wuxuun baa kaga duxi doonee. Iyana maxay tahay? Madaxweynihii dalka Faransiiska ee General De Gaule oo dhawr wasiir iyo dhawr General ay tan iyo saaka u fadhiyeen inay arkaan, ayaa goor ay casar liiq tahay waxaa xafiiskii madaxweynaha soo galay qoraaga caanka ah ee u dhashay dalka Faransiiska Jean paul Sartre. Markii loo sheegay m/w De gaule ayuu yiri, “Soo daaya Sartre.” Generalkii ku xigay ee m/w arkay oo ay De Gaule isku fac yihiin, shaqooyin badanna soo wada galeen, ayaa markay hawlahoodii kala dhammaysteen weyddiiyay, “Maxay ku dhacday, aniga oo General ah xilkaad ogtahayna haya, tan iyo saakana fadhiyay si aan kuu arko, inu nin rayid ah oo imminka yimid aad durbadiiba u aragtid oo naga wada hormarisid?” Wuxuu ugu jawaabay, ‘ Aniguba intaas ma aan garan waayin; ee danta dalka Faransiis ayaan sidaas u yeelay. Sannad walba bal qiyaas oo tiro intee le’eg ayaa generallo innooga soo baxa akademiyadaha militariga. Barbar dhig oo ku eeg immisa faylasuuf sida Jean Paul Sartre ayaa jaamicadaha dalkeennu soo saari karaan sannadkii, 10kii sano ama boqolkiiba dheh. Ma filayo inu mid ka badan karayo. Waana halkaa sababta aan u hor mariyay.’
Cumar Gaawi oo kaftankiisii halkii ka sii wata, ayaa xoghayihii intaanu madashii xafladdu ka socotay ka tegin ku sii yiri: “ oo weliba waxaad ugu dartaa, innagana haddii jaamacadaheenna la isku daro 50ka sano ee soo socda waxaan hubaa in aanay marna Xaamudkan madowga badan oo kale – waa Xaamud Jaamac – inna soo saari karayn.” Kolkaas ayaa mar labaad qosol laga wada kacay.
Muddo gaaban ka dib, Willie iyo qoyskiisii oo imminka afar ruux ah ayaa Cadan ka dhoofay iyagoo Moosko ku jeeda. Lix bilood markay ka soo wareegtay, ayaa bishii June 1980 xaaskii Cadan iigu yimaaddeen. Waqtigii oo degdeg isu guray, waxaa na soo gudagalay ardaydii iyo safarkoodii waxbarasho. Markan tiradoodu waxay dhan tahay toban buuxa. Bishii Sebtambar ayay diyaaradda shirkadda Aeroflot garoonka Cadan ka raaceen iyadoo weli qaacii dagalkii 77 uu hawdka doolliyo faafan ka sii baxaayo.
Dunidu waa hoda hodoo .. hadba nin bay hoddaa!! Labadii askari ee Mengistu Haile Mariam iyo Maxmed Siyaad Barre, ee Geeska Afrika isku rifayay, ma ay kala dambayn ee 1991 ayaa labadiiba caasimadihii Addis Ababa iyo Muqdisho laga cayrshay. Dalkii Yamanta Koonfureed ee magaca dheeraa marka si rasmi ah magaciisa loo dhigo- Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Dadka Yaman. (People’s Democratic Republic of Yemen) wax badan kama ay dambayn Midowga Soofiyeeti burburkiisii. Afar m/w oo dalkaas soo maray intuu xorta ahaa, oo intaba aan la wada kulmay, laba dagaalkii sokeeye ee dhexdooda ayaa lagu khaarijiyay oo waa Saalim Rubayac Cali iyo Cabdil Fataax Ismaaciil. Labadii ka dambeeyay ee Cali Naasir Maxamed iyo Cali saalim Al-Biid waxay iyana maanta qaxooti ku yihiin dalka Suuriya iyo Saldannadda Cumaan.
Dhalliyaradii berigaa haddii la i weyddiiyo: Kuwa ma ayay ahaayeen iyo maanta xaggee ku kala egyihiin? Haddaan qaar ka magacaabo maanta halka ay joogaan. 1. Maxamed Maxamuud Xandulle – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Moosko 2. Cabdillaahi Maxamed Shirwac – Heyadda Interpeace Muqdisho 3. Ibraahim Jaamac Cali (Reyte) – Xildhibaan Barlamaanka Somaliland 4. Cabdillahi Xasan Jaamac – Guddoomiyaha Dasturka Federaalka ee Soomaaliya 5. Maxamud Cadi Daahir(Jilibe) – maamul dawladeedka Soomaaliyeed ee Fed. Itoobiya 6. Cabdiljabbaar Maxamed Cabdi Siciid – Takhtar sare cisbitaalka Burco 7. Cabdi Gurey – Agaasimaha Guud ee Was. Caafimaadka ee Somaliland 8.Axmed Maxamed Yuusuf (Axmed Dheere) – a senior executive in Bahrain company
Anigana orodkii wuxuu igu simay ceelka London inaan reerkii ku furo daanta bariga, meesha loo yaqaan Jasiiradda Eyda (The Isle of Dogs) oo carruurta aan awowga u ahay igu weheliyaan.
Siciid Jaamac Xuseen
Email: sjx2005@hotmail.co.uk
Leave a Reply