Safaaradda Soomaaliya ee Sudan oo ka warbixisay tirade muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga daadgureeyay dalka Sudan

Muqdisho (WDN)- Safiir ku xigeenka Soomaaliya ee waddanka Suudaan Danjire Axmed Cabdi Xasan, ayaa sheegay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 1,500 oo qof ka baxeen dalka Suudaan.  Danjiraha oo ka waramayay muwaadaniintaas Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ay isugu jiraan arday iyo dad kale oo siyaabo kala duwan ugu noolaa Suudaan. 

Safiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in safaaraddaha Soomaaliya ee dalalka Sudaan iyo Itoobiya iska kaashadeen gurmad u fidinta dadka Soomaaliyeed ee ka baxay colaadda ka taagan dalkaas Suudaan.

“Xaalada muwaadiniinta Soomaaliyeed aad ayay u fiicantahay, wasaaradda arrimaha debadana waxay samaysay laba team oo ka hawlgalay saafarada Addis Ababa, iyo safaaradda Khartuum, ujeedka loo hawlgeliyayna waxay ahayd in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo shaqeeyo, wasaaradda arrimaha debada waxay ku guulaysatay inay dawladaha dariska ah kala hadasho muwaadiniinta Soomaaliyeed ee waddamadooda soo gelaya, hadda dadka ugu baddan waxay u socdaan dhanka Ethiopia”

Dagaal iyo iska-horimaadyo u dhaxeeya labo ciidan oo ku loollama Suudaan, ayaa sababay dagaalo hadda galay usbuucii 3-xaad, iyada oo la isku adeegsaday hub culus sida diyaaradaha dagaalka iyo Taankiyada.

Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.