Wednesday, May 08, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Saddexda Af Iyo Adeegsigeenna!

(SOOMAALIGA, CARABIGA IYO INGIRIISKA QORAAL IYO AKHRIS)

W/Q: Maxamed Nuur Shire

Xirfadda qoraalka waxaa hubaal ah iney u baahantahay wax akhrin, kolka uu qofku wax akhriyana waxaa kobca ogaanshihiisa, waana suurtagal in wixii uu ogaaday uu qoraal u rogo.

Dadka Soomaalida ah xilligan afafka ay akhrinta iyo qoraalka u adeegsadaan waa saddex af. Soomaali, Carabi iyo Ingiriis. Waa jiraan dad saddexda afba isku si wax akhrin iyo dhigaalba u adeegsan kara, qaarna labo ayey adeegsan karaan, kuwo hal mid uun ku koobanna waa ay jiraan.

Shaki kuma jiro in qofka ugu ogaalka badan uu yahay qofka saddexda af ba wax ku akhrin kara, isla markaasna wax ku wada qori kara. Qofka saddexda af adeegsan kara isagu midna gaar uma riixo inta badan, waayo, dhib kuma aha inuu si fudud u adeegsado, balse kuwa halka af ku kooban ayaa qaarkood waxa ay hoos u dhacooda ku qariyaan iney afafka kale ee aysan adeegsan karin wax ka sheegaan.

Af Soomaaliga:

Af-Soomaaligu waa afkeenna hooyo, in far loo sameeyana waxaa lagu guuleystay sanadkii 1972-dii, wixii intaas ka dambeeyeyna waxa uu soo maray ugu yaraan saddex marxaladood oo kala ah:-

1) Intii u dhexeysay  1972-1990: Waxa xilligaas shaqeyneysay madbacaddii qaranka ee Soomaaliya; waxaa soo bixi jirey dhiganayaal iyo wargeysyo, sidoo kale, waxaa aad loo adeegsan jirey teeb oo lagu qori jirey qormooyin yaryar iyo xataa maansooyin, dadkana intii wax akhrin kartay aad ayey ugu xirnaayeen. Sidoo kale, dugsiyada dalka heer hoose, dhexe, sare ilaa jaamacadda waxaa lagu qaadan jirey afkeenna hooyo.

2) Intii u dhexeysay 1991-2010: Xilligan dhexe ma aysan badneyn buugta cusub ee soo baxday ee afkeenna lagu qoray, wallow ay jireen wargeysyo ka soo bixi jirey qaar ka mid ah magaalooyinka Soomaalida. Marxaladdan dhexe iyo midda inoo imaan doonta ee saddexaadba ma jiraan dugsiyo afkeenna lagu dhigto; kuwa ugu roon maaddo ahaan ayaa loogu dhigaa Soomaaliga, iyaduna ardadu ma ay jecla in badan. Dugsiyada waxaa lagu dhigaa oo wax lagu bartaa afafka Carabiga iyo Ingiriiska, kuwaas oo haysta taageero balaaran oo bulshadeenna ka dhaadhiciyey iney afkooda nacaan oo ka xishoodaan, gacan-ku-gabbadna uu ku noqdo geyigiisa.

3) Intii u dhexeysay 2010 ilaa xilliga aan joogno Sagaalkan sano waxaa bilowday oo dardar xoog leh ku socda kacaan loogu hiilinayo afkeenna hooyo; waxaa soo baxay dhiganayaal badan oo afkeenna ku qoran; waxaa soo badanaya dadka wax ku qoraya afkeenna iyo kuwa maanka ku haya iney buugaag ku qoraan; waxaa soo ifeysa rejo wanaagsan, dunida dacalladeedana guux iyo kacdoon afka loogu hiilinayo ayaa ka soo bidhaamaya. Jeer kasta oo buug afkeenna ku qoran uu soo baxo waxaa dhidibada loo taagayaa tiir jiritaankeenna xoojinaya, waayo, afkeennu waa jiritaankeenna. Waxaa bilowday dugsiyo wax lagu barto afkeenna, wallow aysan badneyn, yihiinnna kuwa dhexe, haddana waxaa aad u badan hadal-haynta arrinkaas, waxaanna kalsooni ku qabaa in hadal-hayntaas sameyn loo rogi doono, haddii uu Eebbe idmo.

Waxaa xusid mudan, iyada oo baraaruggaas uu jiro, haddana, dad ka ciisheysan sida afafka kale ay hiil u haystaan, loona gacan bidixeeyey afkeenna ay  colaad u qaadeen in afafka kale wax lagu barto, wax lagu qoro oo la adeegsado; dabcan, taas kuma ay saxna, dad kasta oo meel ku noolna waxaa ku dhexjira qaar xagjir ah. Afafka kale oo dhan waan u baahannahay; aqoontii oo dhan baa ku qoran, qofkii yiraahda af kale uma baahninna waa qof doonaya inuu qol mugdi ah kaga noolaado dunidan isku furan ee deriska wada ah.

Afka Carabiga

Taariikhda uu afka Carabigu ku leeyahay Soomaalida waa ay sii horreysay, waxaana inta badan ay la socotay Diinta Islaamka, iyada oo wadaaddadu ay qasiidooyinka iyo kutubta ku baran jireen afka Carabiga, kuna qeybi jireen; laba sabab ayaa ugu wacnaa. 1) Diin ahaan ayey u aaminsanaayeen oo waa ay barakeysan jireen. 2) Af Soomaaligu ma uusan qorneyn, afafka kalena ma aysan aqoon, afaf gaalana waa u arki jireen.

Dabayaaqadii qarnigii 19-aad ilaa sanadkii 1972-dii oo ahayd markii afkeenna fartiisa la hirgeliyey, wadaaddadu waxa ay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen sidii farta afkeenna ay u noqon lahayd af Carabi, waxaana dedaalladaas wadaaddadu ay ku garab-wadeen dacaayado ay ku furi jireen farihii kale ee tan hadda aan wax ku qorayo, adna aad ku akhrineysid qormadan ay ka midka ahayd, iyaga oo (wadaaddadu) u yaqaannay, laatiin macnaheedu inuu yahay  “laa diin”. Halgankii farta Soomaaliga loo maray oo ahaa mid aad u xiisa badan kama uusan dhicin wax badan, halgankii loo galay gobonimada, markii dambese waxa uu hirgashay in fartan laatiinka ah ee aan adeegsaneynno la meel-mariyey.

Soomaalidii Carabiga u ololeyneysay in kasta oo lagaga adkaaday hirgelinta fartii ay wateen, hadana ma aysan ku qancin marna in far Soomaaligu ay ina baahi tiri karto. Xilligii far Soomaaligu cirka mareysay (1972-1990) aragtida wadaaddada hoos bey u shuuqday, wallow ay hoos ka guuxayeen, balse markii dalku nidaam ahaan u dumay, ayey far Carabigii noqotay farta akhrin iyo qoraal aad u hirgashay, tii Soomaaligana waxayba ku sigatay in gebi ahaanba meesha ay ka baxdo.

Ilaa iyo hadda af Carabiga aragtidii wadaaddada ee Diinta waa sideedii, dhammaan hay’adahooda waxa ay ku shaqeeyaan af Carabi, iyaguna afka ugu badan oo ay ku wada xiriiraan waa Carabi; golayaashooda ay ku kulmaan, sida, WattsApp-yada, Yahoo Group-yada iyo kuwa la halmaala, waxa ay ku wada xiriiraan oo qoraalllada u adeegsadaan af Carabi. Af Soomaaliga goobahaas waa lagaga xishoodaa in wax lagu qoro, wax lagu soo qorayna lama xiiseeyo; af Soomaaliga waxaa loo adeegsadaa ku-hadal inta badan.

Dhalinyarada afka Carabiga wax ku baratay ee wax ku akhrida iyo kuwooda wax ku qora, waxa ay afka Soomaaliga u yaqaannaan af aan dhammeystirneyn oo aan sahlaneyn in wax lagu akhriyo, waxna lagu qoro. Qaar ka mid ah dadka Carabiga u ololeeya, gaar ahaan, kuwooda wax qora, af Soomaaliga ma ay jecla, sababahana waxaa ka mid ah, qaarkood maba u yaqaanaan qoraalkiisa si xirfadeysan, kolka, hoos u dhaca ka haysta aqoon la’aantooda ayey ku qariyaan iney eed dusha ka saaraan qoraalka farta afkeenna.

Soomaalida afka Carabiga adeegsata waxaa ku badan doodahooda, in aysan afka Soomaaliga wax ku qorin, waxna ku akhriyin, isla markssna farta Soomaaligu ay tahay far laga wahsanayo in wax lagu akhriyo, iney wax ku qoraanna intooda badan maba yaqaannaan.

Af Ingiriiska

Af Ingiriiska, qoraal iyo akhrin waa uu ka horreeyey afkeenna, waxaana intiisa badan uu la socday gumeystihii reer Yurub, gaar ahaan boqortooyadii Ingiriiska oo dhulka Soomaalida saddex qeyb oo ka mid ah gacanta ku dhigay, kuwaas oo ku hoos nolaa xukunkiisa, sida, Soomaali galbeed oo uu markii dambe Itoobiya ku wareejiyey, NFD dhulkii loo yaqaannay oo uu isna Kiinya ku wareejiyey iyo Somaliland oo uu madax-banaani siiyey 26-06-1960-kii, afar maalmood ka dibna la midowday koofurtii Soomaaliya oo Talyaangu gumeysan jirey.

Waxaa jiray aqoonyahanno caddaan ahaa oo afka Ingiriiska wax ku qori jirey oo weliba dadkeenna iyo dhulkeenna wax ka qori jirey; sidoo kale, waxaa jirey Soomaali baratay af Ingiriiska oo afkaas wax kaga qori jirey dhulkooda iyo dadkooda.

Markii farta Soomaaliga la hirgeliyey dadkii Ingiriiska wax ku qori jirey, caddaan iyo Soomaali, in afkeenna uu far yeesho dagaal rasmi ah lama aysan galin, kamana uusan muuqan runtii, waayo, qaramada midoobay oo la yagleeley sanadkii 1945-tii, ayna sameynteeda hormuud u ahaayeen dalalkii ku guuleystay dagaalkii labaad ee dunida, waxa ay sameysay hay’ad gaar ah oo u qaabilsan afafka iyo dhaqanka (UNESCO) in afkeenna far loo helo oo weliba far Soomaali sidan ah la qorana waa ay ka qeyb qaadatay in la hirgeliyo, wallow wadaaddadu ku sheegaan in UNESCO ay meesha ka saareysay af Carabiga.

Markii hannaankii dawladnimo ee Soomaaliya uu burbursanaa ku dhawaad toban sano, (1991-1999) ayaa af Ingiriisku soo laba kacleeyey, iyada oo magaalooyinka dalka Soomaaliya  laga furay dugsiyo sare oo afka Ingiriiska wax lagu dhigo; intaas waxaa dheeraa, dadka jaamacadaha heerarkooda kala duwan wax ku soo baranayey afka Ingiriiska oo ay ka mid yihiin, Soomaalidii dibadaha ku dhalatay, ama ku koray, kuwa dalalka dibadaha wax ku barta iyo qeyb aan badneyn oo kuwa afka Ingriiska dalka gudihiisa ku bartay ka mid ah, kuwaas oo intooda ugu badan aan adeegsan afka Soomaaliga qoraalkiisa; waxay isugu jiraan kuwo ay aqoon la’aan ka tahay oo haddana iskala weyn iyaga oo jaamacado ka soo baxay iney xirfadda qoraalka Soomaaliga ay yeeshaan, kuwo ilbaxnimo ka raadinaya iyo kuwo ka xishoonaya iney bartaan.

Afkeennu waxa uu haystaa taageero ka ballaaran fursadaha ay haystaan afafka kale, waayo, waa afka dhaxalkeenna ah oo suugaanteenna iyo dhaqankeennuba ku saleysanyihiin, bulshadeenuna ku wada hadasho, xataa kuwa wax akhrintiisa iyo wax ku dhigiddiisaba ka fallaagoobay, waana halka uu ka jabi la’yahay afkeennu; afafka Carabiga iyo Ingiriiska, taageero la taaban karo waa ay haystaan, balse awoowayaal iyo ayeeyooyin ma laha, qolyaha xitaa dura qoraalka farteenna, waxa aysan ka maarmi karin ku hadalka afkeenna oo af ay ku bedelan karaan ma ay haystaan.

Waxaa xusid mudan in afka Talyaaniga dad yaqaanna oo wax qorid iyo wax akhrinba u adeegsada ay jiraan, wallow waagii hore ay badnaayeen, waxaana jira qormooyin wax ku ool ah oo markii dambe la Soomaaliyeeyey oo halgankeennii ka hadlayey o af Talyaani ku qornaa iyo qaar weli ku qoran afkaas

Marka la soo xooriyo saddexda af ee qormadeennu diiradda saartay iyo afafka kaleba in la wada barto, akhrin, dhigaal iyo ku hadalba waa ay habboontahay, ee waxa aan meesha qaban, in qofku waxa uusan garaneyn uu liido ama uu duro.

W/Q: Maxamed Nuur Shire

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.