Boosaaso (WDN) – Iyadoo ay maalmahan ay ka jirtay magaalada Boosaaso khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland iyo madaxa ciidamada la dagaallanka argagixisada ee Puntland ee loo yaqaan PSF, oo saldhigooda yahay magaalada Boosaaso, ayaa arrintu hadda u muuqataa mid faraha ka siibaxaysa oo aan wax xal ah weli laga gaadhin.
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2021/11/PSF-Boosaaso-Puntland.jpg)
Khilaafka ayaa salka ku haya kadib markii Madaxweynaha Puntland
Md. Siciid Deni uu xilkii ka qaaday, 24 Nofemember, madaxa Ciidamada PSF Md. Maxamuud Cismaan, oo markaasi ku gacan sydhey in uu aqbalo xil ka qaadista. Arrinkaasi oo keenay khilaaf la isku isticmaalo xoog milateri.
Inkasta oo magaalada Boosaaso hadda ay degan tahay, haddana waxa jira saansaan collaaddeed, iyada oo ciidamada PSF ay ku jiraan difaac xooggan oo ay ka qoteen dhufeysyo dhammaan aagga saldhigooda, halka ciidamada dowladda Puntland iyana ay wadaan dhaqdhaqaaqyo diyaar garow ah.
Waxa iyana burburtay wada hadallo ay wadeen odayaasha dhaqanka, oo muujinayay dadaallo sidii loo damin lahaa khilaafka iyo in arintu saameyso ammaanka magaalada iyo deegaanka oo ay faraha ka baxdo. Wararka ayaa sheegaya in waan waantii odayo dhaqmeedyadu, aysan dhalin wax natiijo ah.
Dhinac kalena ciidamo ku dhow boqol askari, oo ka mid ahaa ciidanka Daraawiishta ee Puntland ayaa ku biiray ciidanka PSF ee Boosaaso.
Magaalada dekedda ee Boosaaso oo ah xarun ganacsi, ayaa waxa hadda ka muuqata sansaan colaaddeed, iyada oo dadku ay baqdin ka qabaan dagaal halkaasi ka dhex dhaca labada ciidan ee – Dowladda iyo PSF, iyada oo laga yaabo in magaalada ay ka billaabanto qax iyo barakac, la soo dersa dadka deegaanka.
Magaalada ayaa ku asteysan in lagu qabto qeyb ka mid ah doorashooyinka Golaha Shacabka ku matali doona Puntland Baarlamaanka Federaalka. Taasi oo hadda u eeg in ay collaaddu saameyn doonto haddii khilaafku sii jiitamo.
WardheerNews
Leave a Reply