Muqdisho (WDN)- Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre iyo wafdi ballaaran uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya. Halkaasi oo uu kaga qeybgeli doono shir caalami ah oo madax badan oo Afrika ka socota ku kulmi doonaan.
![](https://wardheernews.com/wp-content/uploads/2022/10/RW-Xamse-Barre.jpg)
Afhayeenka ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Farxaan Maxamed Jimcaale oo war fidiyeenada la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedada safarka ra’iisal wasaaraha, isaga oo sheegay in RW Xamse uu Itoobiya kaga qeyb geli doono shirka Madasha TANA ee diiradd lagu saari doono amniga qaaradda Afrika.
Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa kasoo qeybgeli doonaa madaxweynayaal, ma’suuliyiin heerar kala duwan leh, hay’ado caalimaya iyo qaar ka mid ah hogaamiyeyaashii hore ee qaaradda Afrika. Arimaha ugu waaweyn ee laga hadli doona ayaa ah dhibaatooyinka dhanka amaanka ah ee qaaradda Afrika ragaadiyey iyo kooxaha argagixisada qaaradda hawlgalada ka fuliya oo sii xoogggeysanaya.
Md. Xamse ayaa la filaya inuu hor dhigo madaxda qaaradda Afrika khataraha dhanka amaanka ah ee ay wajahayso dawladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kooxaha argagixisada sida Alshabaab iyo Daacish oo haatan dagaalo dawladdu ay kula jirto.
Dawladda Soomaaliya ayaa dadaallo xooggan oo ka dhan ah kooxahaasi wadda, kaasi oo la xariira sidii ay taageero ugu heli lahayd kacdoonka bulsho ee ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Alshabaab oo ay ciidamada xoogga iyo maleeshiyaadka deegaanka wadaan.
Dagaaladaasi lagula jiro kooxaha xagjirka, ayaa suurto geliyey in deegaano badan gacanta dawladda soo galaan dibna loo riixo maleeshiyaadka kooxaha argagixisada.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply