Muqdisho (WDN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre, ayaa furay shirka hannaanka wada-shaqeynta ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ka gudubtay dhibaatooyin badan haddana ay lugta saartey horumar.

Ra’iisal Wasaare Xamse oo xukuumaddiisa ku tilmaamey xukuumad Dan-Qaran ayaa kulanka kusoo bandhigay siyaasadda ku aadan dib u habeynta hay’addaha dowladda, si loo gaaro hiigsiga cusub ee nabadda, degenaanshiyaha iyo dimuqraadiyadda ku asteysan.
Md Xamse oo hadal ka jeediyey furitaanka shirka ayaa yiri “Soomaaliya waxay maanta taagan tahay marxalad kala guur ah oo taariikhdeeda ku suntan. dalkuna wuxuu kasoo baxayaa xaaladdii loo yaqiin ‘dowlad fashilantay’ oo dagaallo sokeeye hareeyeen, wuxuuna hiigsanayaa waa cusub oo nabad, degenaansho iyo dimuqraadiyad ku asteysan, kaas oo diyaar u ah in uu soo jiito maalgashi ballaaran”.
Md. Xamse ayaa xusey in xukuumadda dan-qaran ay xoogga saartay dib-u-heshiisiinta, xasilinta iyo xaqiijinta dib-u-habeynta, ayna horumarisay hab-raacyo sharci oo casri ah, qaab-dhismeed dowladeed, hannaan maamul maaliyadeed, dib-u-qaabeyn hay’addo muhiim ah, sidoo kalena la meel mariyay isbeddel siyaasaddeed oo loo dhan yahay, laguna heshiiyay qorshe lagu mideynayo taageerada caalamiga, iyadoo lagu saleynayo arrimaha mudnaanta u leh dalka.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in lixda tiir ee mudnaanta u leh barnaamijkeeda siyaasaddeed uu mudnaan gaar ah siinayo xoreynta deegaannada iyo qaab-dhismeedka amniga, caddaaladda iyo garsoor madax-bannaan, Soomaali heshiis ah, kobaca dhaqaalaha, horumarinta arrimaha bulshada, iyo helitaanka Soomaali dunida heshiis la ah, waxaana xukuumadda ay uga mahadcelisay Baanka Aduunka taageerada hagar la’aanta ah ee uu u fidiyo dawladda federaalka Soomaaliya
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply