Muqdisho (WDN)- Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah xilka ugula wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee xukuumada xilgaadhsiinta Md. Maxamed Xuseen Rooble. Xaflada xil wareejinta ayaa ka dhacday xafiisla Ra’iisal Wasaaraha ee Villa Soomaaliya, ee caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha cusub ee DFS Md. Xasan Sheekh ayaa u magacaaby jagada Ra’iisal Wasaaraha Md. Xasmse bishii Juun 15-dii, iyada oo codka kalsoonida uu Barlamaanku uu siiyay RW cusub Bishan Juun 25, islamarkaana la filyao in muddo bil ah gudaheed u uku soo dhiso gole xukuumad.
Dhinac kalena RW cusub Md. Xamse Cabdi Barre oo uu wehliyo Ra’iisal Wasaarihii hore Md. Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta si wada jir ah kormeer ugu tagey xaruntii hore ee Xisbiga oo haatan loo asteeyey in ay noqoto xarunta cusub ee xukuumadda Soomaaliya ku hawlgeli doonto.
Xaruntan cusub ayaa noqonaysaa goobta RW Xamse iyo Golihiisa xukuumadda ay ku hawlgali doonaa, waxaana in muddo ah ku socdey dayactir iyo qalabayn.
Kormeerka ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno la tirsan xukuumadda xilgaarsiinta, safiirka dawladda Qatar iyo taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Waxaana xusid mudan in dayactirka xaruntan iyo qalabaynta xafiisysada ay maalgelisey dawladda Qatar.
Leave a Reply