Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Shir-guddoomiyay Kulanka Dardar-gelinta Qorshaha Daabacaadda Shilin Soomaaliga Cusub

Muqdisho, — Ra’iisul wasaaraha xukuummadda fereraalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-guddomiyay kulan Muqdisho lagu qabtay oo looga hadlay dhaqaalaha dalka kaas oo ka qayb galeen xubna ka socda hay’ado caalami iyo dawladaha ay Soomaaliya bah-wadaagta yihiin.

kulanka ayaa ajandayaashiisa ugu waawayn waxaa kamid ahaa dardar-galinta qorshaha samaynta lacagta cusub ee shilin Soomaaliga ah, waxaana dhammaan dhinacyadii kasoo qayb galay kulanka ay isla garteen in dawladihii iyo hay’adihii ballan qaaday in ay dawladda ka taageerayaan dhaqaalaha lagu daabacayo lacagta oo dhan $41 milyan ay si dhaqsa ah u bixiyaan, maadaama ay Soomaaliya soo buuxisay shuruudihii laga doonayay si lacag loogu daabaco.

“Waxaa nalaku xiray shuruudo badan si lacagta cusub ee Soomaaliya loo soo daabaco, waana soo buuxinnay. Waxaa haray uun in dalkeenna lacagtiisii soo noqoto, waxa ayna u baahantahay lacag lagu daabaco laguna maamulo oo dhan $41 Milyan. Lacagtaas dawladdu ma bixin karto oo dawlado iyo hay’ado ayaa ballan qaaday in ay ku taageerayaan maadaama shuruudihii aan soo buuxinnay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliyan, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka war bixiyay kulanka.

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa caddeeyay in la qaban doono kulan kale oo ballaaran kaas oo looga hadlayo gebagabaynta qorshaha daabacaadda lacagta cusub, kadibna la hawl gelinayo shirkaddii lacagta daabici lahayd.

Qorshaha daabacaadda lacagta cusub ee Soomaaliya ah oo socday waqti dheer, shuruuda bandanna lagu xirnay ayaa qayb ka ah hannaanka dib u habaynta dhaqaalaha dalka iyo dardar-gelinta Barnaamijka xukuummadda.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.