Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Featured
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka gaabsaday Xasuuqa Oromada

Jigjiga (WDN)- Waxaa magaalo madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga, ka dhacay maalintii Salaasada ee bishan Ogoost 28-dii, banaanbaxyo balaadhan oo loogaga soo horjeedo xasuuqa ay maleeshiyo Oromo ahi ku heyso Soomaalida, iyaga oo adeegsanaya maamulka Oromiya iyo ciidamada Dowladda Federaalka ee fadhigoodu yahay aagga deegaanka Soomalida, oo iyagu gacmaha ka laabtay in ay badbaadiyaan ama nabadda sugaan.

Mudaharaadyo looga soo hojeeday xasuuqa Oromada- Jigjiga

Waxa wararku sheegayaan in 14 qof lagu dilay weerarradii u dambeeyay ee ka dhacay magaalooyinka Tuli-Guuleed iyo Baabile, iyada oo meydkii 14 qof la keenay Isbitaalka magaalada Jigjiga, oo kumanaan dad ay iskugu soo baxeen oo ay is hor tubeen.

Madaxweynaha Cusub ee Ismaamulka  Deegaanka Soomaalida Md. Mustafe Muxumed Cumar, ayaa ilaa hadda  aan ka hadlin  dagaalada iyo colaadda sii xooggeysanaya ee u dhaxeeya Oromada iyo Soomaalida ama aan soo bandhigin qorshe wax lagaga qabanayo oo lagu qaboojinayo colaaddaasi, isaga oo u eeg in uu arinkaasi ka gaabsanayo.

Taasi oo ay dad badani aamin sanyihiin in ay ka turjumayso mowqifkiisa ah, in aanu tacadiyada, xasuuqa yo guud ahaan danaha Oromada ka hor imaan karin ama waxba ka odhan karin.

Arimahaasi ayaa kala caddaan doona madaama colaadda iyo dagaalku uu sii xumaanayo, islamarkaana hadda ay dadka Soomaaliyeed ee Jigjiga iyo guud ahaan Soomaalidu ay muujiyeen rabitaanakooda iyo in ay meel uga soo wada jeedaan duullaanka Oromada

Waxaa xusid muddan in Md. Mustafe, dhawaan markii uu yimid Jigjiga, booqday goobo lagu burburiyay rabshado ka dhacay Jigjiga, oo hanti iyo dad aan Soomaali aheyn, oo ka soo soo jeeda qowmiyadaha kale ee Itoobiya lagu wax yeeleeyay.

Madaxweynaha ayaa dadkaasi u sheegay in uu aad uga xunyahay dhibaatooyinka loo geystay, islamarkaana la sugi doono amaanka iyo sareynta sharciga.

Shacbiweynaha deegaanka ayaa indhaha ku haya taalloobiyinka uu qaado Md. Mustafe iyo in uu sidaa uga aamusnaado xasuuqa lagula kacay Soomaalida iyo colaadda sii holceysa ee Soomaalida iyo Oromada.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.