Tuesday, April 23, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Jabuuti,  Ra’iisul xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dalkaas, Mudane Ismaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen Arrimaha Amniga, Beeraha, Dhaqaalaha, Isgaarsiinta iyo Ciidanka Jabuuti (Hiil Walaal) ee Hawlaha nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Geelle iyo dhammaan reer Jabuuti taageerada walaaltinimo ee ay la garab taaganyihiin Dawladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa Ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada walaaltinimo si loogu guuleesto Soomaaliya oo cagaheeda isku taagta.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa kulan Muhiim ah la yeeshay dhiggiisa Jabuuti, Abdoulkader Kamil Mohamed oo ay sidoo kale ka wada hadleen xariirka wanaagsan ee labada dowladood iyo sida loo joogteyn lahaa taageerada lagu garab istaagayo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha Dibadda, Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale ayaa shalay jabuuti ku tegay booqasho laba maalin qaadaneysa iyadoo la filayo in weftiga Ra’iisul wasaaruhu kasoo Barri Dalka dib ugu soo laabtaan.

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ah laba wadan oo walaala ah, derisna ah isla markaana leh xiriir wanaagsan oo soo jireen ah.

-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka

 

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.