Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax Dhigay Mashaariic Horumarineed Oo laga Hirgelinayo Hir-shabeelle

Jowhar, –Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mduane Xasan Cali Khayre oo maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Madaxtooyada Hir-shabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.

Waar, Kheyre iyo Gud Baarlamaanka Hirshabelle

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob joog ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, madaxwaynaha Hir-shabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ku-xigeenkiis iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle.

Madaxwaynaha Hir-shabeelle ayaa dawladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicda uu ra’iisul wasaaruhu dhagax-dhigay isaga oo sheegay in fulinta mashaariicdaan ay wax badan kusoo kordhinayso hannaanka geeddi socodka dhismaha hay’adaha kala duwan ee Hir-shabeelle.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismaha xarunta tababarka ciidanka Booliiska ee magaalada Jowhar, si loogu bilaabo tababarka ciidanka Booliiska Hir-shabeelle.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.