Muqdisho (WDN)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre ayaa maanta shir gudoomiyey kulanka iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ka furmey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Kaasi oo ay kasoo qeybgaleen xubno ka socda golaha ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika oo uu hogaaminayey safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya Md. Cabdi Maxamuud Heybe.

Md. Xamse oo hadal kooban kulanlaas ka jeediyey ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika dadaallada xoogga leh ee ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, ee dowladda Soomaaliya ka gacan siinaya la dagaalanka kooxda xagjirka ah ee Alshabaab.
Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in xukuumaddiisa dhawaan ay qaadi doonto guluf ka dhan ah argagixisada Alshabaab iyo daacish si dhibaatooyinkooda shacabka looga dulqaado isla markaana si nabadgelyo la isaga kala goosho guud ahaan dalka isla markaana gargaarka loo gaarsiiyo shacabka abaaruhu aadka u waxyeeleeyeen.
Ururka midowga Afrika ayaa waxaa dalka Soomaaliya ka jooga kumanaan askari oo gaadhay 20,000, ka kala socda dalalka Uganda, Brundi, Kenya iyo Itoobiya. Kuwaasi oo dawladda ka taageera la dagaalanka kooxaha xagjirka ah.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho