Muqdisho (WDN)- Raisalwasaaraha xukuumadda Federaalla Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabistii horeysay sameeyey isagoo magacaabey la taliyeyaal iyo agaasimayaasha xafiiskiisa.

Xubnahaan uu magacaabay ra’iisalwasaare Xamse ayaa kala ah :
1. Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Raisalwasaaraha- Md. Maxamed Abuukar Zubeyr
2- La Taliyaha Amniga – Kamaal Guutaal.
3- La Taliyaha Arrimaha Dib u heshiisiinta – Cali Cabdi Awaare.
4- La Taliyaha Xiriirka Caalamiga ah –Hodon Cusman .
5- La Taliyaha Arrimaha Siyaasadda –Axmed Nuur Maxamed.
6- Afhayeenka ahna Agaasimaha Warbaahinta – Farxaan Maxamed Jimcaale.
7- Agaasimaha Hab-maamuuska Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha – Cabdullaahi Shariif Cabdi.
8- Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda- Haashim Maxamed Cali.
Md. Xamse ayaa xubnaha uu maanta magacaabay kula dardaarmey in waajibaadkooda qaran si hufnaan iyo cadaaladi ku jirto u guttaan, isla markaana xoogga la saaro sidii dalku uu markale cagihiisa isugu taagi lahaa.
Raisalwasaare Xamse ayaa wada dadaallo ballaaran iyo la tashiyo ku aadan soo xulista xubnaha golihiisa wasiirada oo dhawaan la filaayo inuu ku dhawaaqo.
Dhinac kalena dad badan ayaa qaba in magacaabista taliyayaashu inkasta oo ay muhiim tahay, haddana aan si qorshaysan loo maareyn, maadaama aysan jirin dhaqaale, xafiis iyo qorshe hawloodkooda qeexan (ToR), balse ay magacaabis uun ku kooban tahay ilaa hadda.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho