Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo aqoonsi siiyey labo bangi oo caalami ah oo dalka ka hawlgeli doona

Muqdisho (WDN)- Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta qoraal uu soo saarey ku sheegay inuu siiyey laba Bangi oo caalami ah shattiyadii ay gudaha dalka uga hawlgali lahaayee,  kadib markii ay mareen hanaanka hubinta Bangiga isla markaana ay soo buuxiyeen shuruudaha aasaasiga ah u ah Bangiyada shisheeye ee dalka faracyada ka furanaya.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo aqoonsi siiyey labo bangi oo caalami ah oo dalka ka hawlgeli doona

Labada Bangi ee uu maanta shattiga siiyey Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa kala ah Banque Misr (Masar) oo laga leeyahay dalka Masar iyo Ziraat Katilim (Turkey) oo dalka Turkiga laga leeyahay, waxaana laga bilaabo maanta bangiyadaan ay awood u leeyihiin in ay faracyo ka furtaan guud ahaan gayiga Soomaaliya.

“Guddiga Bankiga Dhexe wuxuu go’aamiyey in labada Bangi ay buuxiyeen dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee shittiyada, waxanaa la ansixiyey codsiyadooda. Labada Bangi waxay hadda laamo ka furan karaan kana howlgali karaan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Bankiga.

Masuuliyiinta Bangiga Dhexe Soomaaliya ayaa tilmaamay in labadaan Bangi ay yihiin Bangiyo caalami ah, kuwaasi oo wax ka tari doona horumarka maaliyadeed ee dalka ka hana qaadey, isla markaana waxay hormuud u noqon doonaan maalgashiga caalamiga ah ah ee dalka soo gala.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho