Muqdisho (WDN)- Ra’iisal Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre ayaa maanta booqasho ugu tagay guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Gudoomiyaha ayaa u hambalyeeyey Ra’iisal Wasaaraha magacaban, waxa uuna alle uga baryey inuu masuuliyadda loo ikmadey la garabgalo.
Md. Xamse ayaa ka codsadey guddoonka golaha shacabka in ay ka gacan siiyaan sidii uu ku heli lahaa codka kalsoonida golaha shacanka si uu usoo dhiso xukuumadiisa.
Sidoo kale RW Xamse Cabdi Barre ayaa booqdey guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi.

Booqasho RW magacaaban ee gudoonka baarlamaanka, ayaa ah mid uu ku doonayo inuu ku kasbado kalsoonida golaha Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishan May 15-dii u magacaabey Xamse Cabdi Barre Ra’iisal Wasaaraha xukuumadiisa cusub oo in muddo ahba laga dhawr sugayey in uu ku dhawaaqo magacaabista.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho