Muqdisho (WDN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatey madaxa Bangiga Adduunka u qaabilsan Soomaaliya marwo Kristina Svensson, oo maanta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho soo gaartey.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarey dadaalada Baanka adduunka ee ku aadan taageeridda dadaallada Dawladda Federaalka Soomaaliya ee dib u dhiska dalka iyo wada shaqaynta labada dhinac.
Marwo Kristina Svensson ayaa sheegtay in Bangiga Adduunka ku taageerayo Dawladda Federaalka Soomaaliya 12-ka bilood ee soo socota lacag gaareysa 100 milyan oo dollar, oo loogu talo galay qorshayaasha hortebinta u leh Dawadda Federaalka, waxayna ku ammaantey dawladda madaxweyne Xasan Sheekh tallaabooyinka wax ku oolka ah ee dib u habeynta hanaanka Maaliyadeed ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa ammaaney kaalina Bangiga Adduunka uu ka qaadanayo dib udhiska Soomaaliya, waxa uuna balan qaadey in dawladiisu xooga saareyso kor u qaadida adeegyada bulshada iyo abuurista fursado shaqo ay helaan da’ yarta Soomaalida.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews Muqdisho
Leave a Reply