Raadraaca Dhugga

Raadraaca Dhugga

W.Q. Maxamed H. Faarax

Arar

ConsioussIskuday badan ayaan sameeyey si aan u helo eray ku haboon ama u dhigma waxa loo yaqaan afka ingriiska ”consciousness”. Helida eray ama erayo af soomaali ah oo qeexid dhammaystiran leh waa arrin aan fududeyn. Taas waxaa loo sababayn karaa in Af Soomaaligu ereybixin ballaaran uusan ku lahayn sayniska iyo in aqoonta cilmigu u leeyahay arintaas ay kooban tahay ama aysan horumarsanayn. Waxaan ku koobi karnaa in dhuggu yahay xaalad ama xaalado miyireed (mental states) ee dhacdo ama dhacdooyin qofka soomaraya marwalba oo uu xaalad soojeed ku sugan yahay.

Dhowr eray oo Af Soomaali ah ayaan ka xushay qaamusyo Af Soomaali ah[1], kuwaas oo adeegsigoodu yeesho micne inta badan aan aad u kala fogeyn. Waa erayo ay suuragal tahay in la isku bedelo haddana leh micne kala duwan. Hal eray ayaa yeelan kara dhowr micne. Haddaba si aan eray Af Soomaali ah iyo qeexid buuxda loogu helo erayga ”consciousness” waxaan baarista ku helay erayo ay ka mid yihiin:

  • Miyir : waa kartida qofku wax ku kala sooci karo ama ku garan karo; fejignaan iyo digtoonaan wax lagu qabto;

Tusaale ahaan waxaan maqalnaa, qofku waa miyir beelay ama qofku waa miyir qabaa.

  • Garaad ama garasho: waa awooda ay maskaxdu u leeday waxgarasho ; caqli.

Tusaale : Beesha waxaa hoggaamiya nin garaad , garasho iyo caqli badan.

  • Maan: waa awooda garasho ee dareemaha qofku leeyahiin; Tusaale ahaan oraah Soomaali oo leh,” Hashu maankay gaddee ma masaarey liqday”
  • Dhug : waa awooda ama kartida qofku u leeyahay dareenka waxkasta ee ka ag dhow ama saameyn ku leh falkiisa.Tusaale ahaan, dhug ma yeelan karnaa fariinta uu gabay xambaarsan yahay?

Rogrogid badan kadid ,waxay ila noqotay inuu erayga “DHUG” uu noqon karo mid aad ugu dhow micne ahaan erayga “Consciousness”. Waa iskuday curdan ah oo horseedi kara tifatir wanaagsan oo si qeexan u sheegi kara erayga, ama curin kara mid cusub oo ka duwan. Ujeedadu waa in ereybixinta Af Soomaaligu aysan ka gaabin horumarka iyo isbedelka had iyo jeer ka dhaca cilmiga iyo suugaanta qaybahooda kala duwan. Barashada cilmiga waxaa saldhig u ah ereybixinta, taasoo ku imaan karta in laga amaahdo Afafka kale ee qalaad ama la hello kuwa Af Soomaali ah oo u dhigma.

Waa maxay dhug?

Dhug waa eray mar walba aan maqalno oo ku saabsan dareenka iyo gocasho dhacdooyinka mar kasta qofku la kulmo ama xusuusto. Fasiraadda noocaasa waa mid fudud, hase yeeshe qeexidda cilmiyeysan ee dhugga waa arrin adag.

Dhug waa arrin sannoyinkna dambe soo jiidatay dareenka aqoonyahannada cilmiga falsfadda iyo kuwa sayniska dhimirka (neuroscience). Aragtiyo iyo fasiraado kala duwan ayaa ka jira si loo helo micne dhab ah ee cilmiyeed. Kala duwanaata aragtiyada waxay tilmaamaysaa muhimadda ay sheekada dhuggu leedahay iyo inay tahay arrin baaris qotodheer u baahan si loo garto dhabteeda. Dhinaca kale soo bandhigid aragtiyo kala duwan waxay horseedi karta  gunnaanad fasiraad adag leh.

Waxaan ognahay in qofkasta dhug u leeyahay waxkasta oo ku lug leh dareenka, garashada, xusuusta iyo fekerka, iyagoo haddana lumaya xilliga uu miyirka qofku maqan yahay (hurdo, suuxdin ama miyirbeel). Qofku markuu hurdo xubnaha jidhka iyo maskaxdu waa shaqeynayaan, haseyeeshee maankiisu uma laha dhug waxyaabaha ku wareegsan. Sidaas awgeed waxaa suuragal ah labo midkood. Tan hore, in dhuggu uusan xidhiidh la laheyn maskaxda qaybta qaabilsan dareenada (maqal, arag, dhadhan, iwm). Tan labaad, waxaa lagu tilmaami karaa in awoodda dhugga noolahu ay ubaahan tahay wadashaqeyn u dhaxeysa maskaxda iyo dareemaha si loo falgeliyo xogta lala kulmo, sida kala sooca farqiga u dhexeeya midabka cas iyo mid buluug ah. Haddaba dhinacaas haddii laga eego, arrinta dhugga waa fududahay in la aqoonsado micnaha dhuggu leeyahay, Hase yeeshee dhinaca sayniska wuxuu noqonayaa arrin ay adag tahay qeexiddeedu.

Si kastaba ha ahaatee, noloshu micne badan yeelan mayso haddii qofku uusan dhug u lahayn wax walba ama dhacdo kasta ee ku wareegsan ama soo marta. Haddii kale qofku wuxuu la mid noqanayaa dad-u-yaal( zombie) – noole aan dhab ahayn, hase yeeshee qofka la wadaaga wax badan, kase maran dhugga. Weydiintu waa: dad-u-yaal ma jiraan?. Maskaxada qofka oo ka kooban tiro aad u badan ee unugyo dhimir (nerve cells) kuwaas oo suurageliya garashada, barashada, xusuusta, maangalnimada iyo hadalka. Markaa haddii maskaxda dhaawac gaaro, waxaa lumayaa awoodahaas qaarkood ama dhamaantood, hadduu dhaawacu halis yahay. Isla markaas qofka dhaawac maskaxeed qaba dhug uma leh falalka ku dhafan

Billicsi taariikheed

Laga soo billabo qarnigii 17aad dhowr aqoonyahano cilmiga falsafadda uu ka mid yahay René Descarte[2] ayaa billaabay inay micne u helaan dhugga. Waxay la yimaadeen aragti loo yaqaan ”Cartesian dualism” oo ujeedadu aheyd in ay maskaxda (the brain) iyo caqliga ama garashada(the mind) kala duwan yihiin. Maskaxdu waa xubin jidhka ka mid ah oo la taaban karo (waa maadi), hase yeeshee garashadu maadi ma aha (lama taaban karo). Aragtidaas waxay la kulan tahay diidmo badan oo gunteedu tahay sidee ayey wax aan maadi aheyn iyo wax maadi ah uwadashaqeyn karaan? Haddii kale sidee maskaxdu u sababi kartaa caqliga ama garashada?. Waa aragti wax badan soo jirtay laga soo billaabo ilbaxyadi hore ee dadka, sidoo kale.

Fasiraadaha kala duwan ee dhugga

Dhugga dadku wuxuu ku salaysan yahay shanta qaabdareen sida urta, dhadhanka, dareenka taabashada, maqalka iyo aragga. Howsha Dareemayaashu waa inay soo ururiyaan xogta faraha badan ee kala duwan kuna saabsan qofka laftiisa iyo waxkasta iyo dhacdo walba ee ku wareegsan si dhow iyo si fogba. Hase yeeshee xogtaasi oo dhan waxay u baahan tahay shaandheyn, kala- soocid, habayn iyo keydin si muuqaal ama micne uga dhasho. Fasiraadaha kala duwan ee dhuggu waxay salka ku hayaan aragtiyaha kala duwan ee cilmiga sida aragtida maadiga ah (materialism), tan fikir-lamaanka ah (dualism) iyo aragtida fikirka ah (idealism).

Weydiin: Dhuggu ma arrin la wadaaga mise waxay ku kooban qofka keligi?

Jawaabtu waa ”dhuggu wuxuu ku kooban yahay qofka”. Tusaale ahaan markay lammaane daawanyaan riwaayad ama ay wadaagaan akhriska sheeko, garowshaha sheekada ama riwaayadda waa ka siman yahiiny, hase yeeshee dareenka ama dhugga ku lug leh daawashada ama akhriska qofkasta waa u gaar oo lama wadaago kan kale.

Tusaalaha kore wuxuu noo tilmaamayaa in dhuggu mar tilmaamo ”riwaayad” ama ”sheeko” taas la wadaago (objective aspect of consciousness) iyo mar kale ee ah qaabka dhuggu u tilmaamayo ama qeexayo wuxuu qofku kala kulmay daawashada riwaayadda ama akhriska sheekada. Tan dambe ayaa noqonaysa mid lammaanuhu ku kla duwan yahay, taas micnehhedu yahay in dhuggu ku kooban yahay qofka (subjectve aspect of consciousness).

Waxaa dhab ah inuusan dhug kali ahaan uusan jirin, ee dadku ay u leeyihiin dhug wax kasta ee soo maraya ama dhacdooyinka ay la kulmaan, isla markaas awood u leeyihiin inay ka sheekeeyaan dareenkaas qofeed ee aan lala wadaagin.

Taas ayaa keentay inay jiraan fasiraado kala duwan ee qeexidda dhugga noolaha.

Daraasada dhugga waxaa loo qaybiyey labo arrimood:[3]

  1. Arrin fudud: waxay ku saabsan tahay muxuu dhuggu ka kooban yahay. Waxaa la baadigoobaa in la qeexo sida ay awoodeena garowsho iyo xaaladaha maanka uga dhalan kartaa maskaxda (neuroscience).
  2. Arrin qalafsan: waxay ku saabsan tahay helidda qeexid dareen-celiska dhugga. Waxaa la raadinayaa in fasiraad loo dhan yahay (objective description) laga soo dhirindhiriyo dareencelis (subjective experience) qofeed, Sideeba dareencelis qofeed uga abuurmi karaa maskaxda oo ah wax-la-taaban karo.

.Dhawaan waxaa isbedel muuqda ee ku lug leh baarista “dhugga” sameeyey fiilosofka Guilio [4]Tonini isagoo u adegsaday birlab si uu maskaxda u kiciyo kadibna cabir ku sameeyey hirarka koronto ee maskaxda ka dhasha. Waxaa dhab noqotay in hirarkaas maskaxda ka dhasha ay ku badan yihiin qofka soo-jeeda.[5]

Waa marki u horeysay ee aqoonyahannada cilmiga neuroscience ay cabbiraad u helaan “dhugga”. Xataa dadka ka gudba xaaladda miyir –la’aanta( comma) oo noqda bukaan ku sugan “vegetative condition”, ma la´ dhugga sida ay tijaabaddu muujisay.

Guilio Tonini wuxuu ku misaalay maskaxda  ” memory card”  ay ka buuxdo xog fara badan. Kaardhku ma leh dhug sida maskaxda oo xogta isku xidhaysa og abuurikarta muuqaal ama micne midaysan – dhug, sida dareenka midabada, xanuunka, iwm.

Lama hubo inay aragtidaasi noqonayso tan ugu dambeysa ee fasiraad qeexan u yeesha ”dhugga”, hase yeeshee arinta baarista qeexidda dhugga qofku waa socotaa. Waxaa kaloo aan la hubin in xooluhu iyo xasharaadku leeyihiin dhug sida dadka.

[1] Eeg Qaamuuska Af Soomaaliga, Amarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur, Roma 2012

[2] Ren´Descarte, (1644) Elements of Cartesian Philosophy

[3] David John chalmers, (2009)The Conscious Mind: In Search of a Fundamental Theory

[5] Tononi, G. and Laureys S (2009). The Neurology of Consciousness: Cognitive Neuroscience and Neuropathology. Academic Press.

W.Q. Maxamed H. Faarax
Email: inakhadaro@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.