W.T. Abwaan Maxamed Hirad
Haddaan gabayo tiriyoo
Guubaabo mariyoo
Xaqa iyo garsoor dhaho,
Ma galeyso waanadu
Dadka goortan joogaa
Ma garowsanaayaan
Goor fog oon la garanayn,
Gacaalkood kuwii gabay
Gooni ugu faquuqaye
Guurkooda diidaye
Xaajadaa go’aansaday
Gar ilaah ma naqahayn
Gaalo dhabna ma ahayn
Muslim guudna ma ahayn
Shaydaamaa gefkaa dhigay,
Ibliisna wow gunaanaday
Illaa gortan manta ahna
Soomaalidu daba gucleeyaan
Raggaa godobtan laga galo
Hadday goosan waayaan
Rabbi baa u gargaara ahoo
Goor ay ahaataba
Gabdhahoodan quruxda leh
Gabbaatigoodu boqol noqon (halaad)
Khalad laga gabbanayaa
Geesiyaal ku qayshaanoo
Bulshaduna u guuxdaa
Garta Eebbe raacaanoo
Gacmaha lays qabsadayoo,
Guul lagu midoobaa
Gabagabada hadalkii,
Gurracnaanta dhaqankaa
Qof kastaaba gaarkiis,
Waa garowsadaayoo
In lagooyo jecelyahayoo,
Dadku wada gudboonyahay
Haddii shacabku gaylamo,
Guxuushaa sidayda ah iyo
Gadhmadoobe iyo wiil
Gambooleyda dumarka ah
Maalin wada gadoodaan,
Gumaystiiba erinaye
Quudhsiguna waa go’i
W.T. Abwaan Maxamed Hirad
Email: xagar2030@gmail.com
Leave a Reply