Qoriga Qabiilka iyo Qaaca Qabyaaladda

Qoriga Qabiilka iyo Qaaca Qabyaaladda

W/Q Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

Arrimaha carqaladda ku ah nabadda iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn waxaa ka mid ah qabyaaladda iyo xagjirnimada. Labadaas cudur oo aan xal loo helinna, suurogal noqon mayso in dadnimo iyo dowladnimo toona la haweysto.

Islam symbolWadaad reer Maka ahaa ayaa wuxuu ku doodi jirey in wadaaddada Sacuudigu marka ay dadka wacdinayaan, aysan dhab ahaan ujeeddadoodu ahayn in ay dadka gudaha wax u sheegaan, balse wacdigooda iyo waxsheeggoodu uu ku socdo muslimiinta ku nool dalka dibeddiisa. In arrinku sidaa yahayna, wuxuu marag uga dhigan jirey erayada wadaaddadaasi ay wacdigooda ku soo gunaanadaan. Wadaaddadaasi waxay dadka uga digaan wax Islaamku faray oo muslimiintu ka tageen ama wax Islaamku reebay oo muslimiintu ay ku aqdaantaan, waxayna ku nuuxnuuxsadaan khatarta iyo dhibaatada if iyo aakhiraba leh ee arrinkaas ka dhalanaysa.

Hase ahaatee, aalaaba wadaaddadaasi waxay wacdigooda ku soo gunaanadaan in ay yiraahdaan: Alle mahaddi, haddaan Sacuudi nahay arrinkaasi nama haysto, taana waxaa ugu wacan xukuumaddayada barakaysan ee shareecada Islaamka ku dhaqanta. Weedhaas oo nuxurkeedu noqonayo in wacdigii wadaadku waqtiga badan dadka uga dhumiyey uusan ahayn mid khuseeya dadkii loo jeedinayey, ee uu yahay mid ku socda duul badaha gadaashooda ku nool.

Doodda wadaadkaas reer Maka waxaan xasuustaa mar walba oo aan maqlo wadaad Soomaaliyeed oo ka hadlaya mawduuca qabyaaladda. Wadaaddadu iyaga oo ku mahadsan marar badan waxay isku dayaan in ay bulshada uga digaan xumaha qabyaaladda, balse mar kasta oo ay qabyaaladda ka hadlaan waxay sidoo kale soo qaataan qabiilka oo ay ku sheegaan in uusan dhib lahayn, oo Alleba uu quraanka noogu sheegay inuu dadka ka dhigay shucuub iyo qabiilooyin si ay isu aqoonsadaan darteed [Suurat al-Xujuraat, aayadda 13-aad). Weliba wadaadda qaarkood intaa kuma gaabsadaane waxay ku doodaan in barashada abtirsigu uu yahay wax wanaagsan oo diintu na fartay, uuna ka qayb qaato xiriirinta qaraabada iyo in aan kala ogaanno dumarka guurkooda naloo xalaaleeyey iyo kuwa nalaga xarrimay.

Waa dhab in quraanku sidaa noosheegay, laakiin waxaa habboon in maanka lagu hayo miraha ka dhalanaya marka ruux Soomaali ah oo aqoontiisu aad u kooban tahay, qabyaaladina ludda ka gashay loo sheego in waxa xun ee diintu naga reebtay ay tahay qabyaaladda, laakiin qabiilku uusan dhib lahayn. Waxay ila tahay in miraha wacdiga noocaas ah ka dhashaa aysan dhaafsiisnaanayn in qabyaaladdii sii xoogaysto, oo jeermiskii sii helo deegaan ku habboon inuu ku bulaalo. Natiijada wacdiguna isugu biyo shubanayso in dhegaystayaashu isku qanciyaan in qabiilku yahay wax diintu oggoshahay sidaa darteedna loo baahan yahay in ay kabtooda iyo tolkoodba dhexda uga jiraan, dhib iyo dheefna la wadaagaan.

Qabiilka iyo qabyaaladdu waa sidii qori dab ah iyo qaaciis. Shakina kuma jiro in inta qabiil jiro qabyaaladi jireyso, sidoo kalena inta abtirsiinyo jirto aysan muwaadinnimadu (= citizenship) bulshada macne badan u samaynayn.

Islaamku wuxuu ku guuleystay inuu muslimiintii Carbeed kala diriro dhaqamo badan oo xunxun. Balse waxaa jira dhaqamo si weyn bulshada ugu xididaystey, oo Islaamku yareeyey heerkoodii, hase ahaatee uusan ku wada guuleysan inuu xididdada u siibo. Dhaqamada noocaas ahna waxaa ka mid ah qabyaaladda.

Qabyaaladdu waxay ahayd aafo bulshada carabta si weyn u saamaysay oo ay adkayd in ay si buuxda dhaqso uga xoroobaan. Islaamku, inkasta oo uu aad uga digey xumaha qabyaaladda, xafiiltankii joogtada ahaa ee beelaha carbeed u dhexeeyeyna uu hoos u dhigay, haddana si buuxda uguma guulaysan inuu qabyaaladda ka tirtiro laabta bulshada carbeed ee diinta qaadatay[1].

Run ahaantii, Islaamku lama diririn dhaqankii carabta ee abtirsiga ku dhisnaa, balse waxaa la oran karaa wuu sii xoojiyey -ama sida dadka qaarkood u dhigaan wuu ku raacay . Tusaale ahaan, Cumar bin Khadaab waxaa afka loogu tiray inuu sheegay in ay quraanka ku jirtey aayad oranaysa: “ Ha nicina sheegashada aabbayaashiin, waayo taasi waa gaalnimo[1].” Nebigana (SCW) waxaa laga wariyey inuu yiri: “ Ruuxii sheegta aabbe aan dhalin jannada urin maayo, jannadana waxaa laga uriyaa meel toddobaatan sano loo socdo[2].”

In ruuxu inkiro aabbenimada aabbihii dhalay ama uu sheegto aabbe aan ahayn kii dhalay diintu waxay ku sheegtay in ay gaalnimo tahay, sidaa la ogyahayna gaalniadu waa denbiga ugu weyn ee diintu ay sheegtay in qof galo.

Sidaa darteedna, la yaab ma leh in aan aragno shareecada Islaamka oo jideysay in ubadka loogu abtiriyo ninka leh gogosha ay ku dhasheen, xataa haddii la caddayn karo in aabbahaasi uusan dhalin, oo nebiga (SCW) waxaa laga wariyey inuu yiri: “Ilmaha waxaa leh kan gogosha iska leh, dhillayguna dhagax buu leeyahay[3].” Sidaana Islaamku wuxuu u yeelay si loo ilaaliyo jiritaanka qofka, waayo bulshadii carbeed ee diintu ku soo degtey, ruuxa abtirsigiisa mugdiga la geliyaa wuxuu ka dhignaa sidii ruux aan jirin oo kale, oo ma jirin cid ku dhacdey in ay wax la wadaagto.

Halkan ka akhri: Qoriga qabiilka iyo qaaca qabyaaladda

W/Q Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil
Email:Sismail42@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.