QM oo muddo kordhin u samaysay UNSOM iyo Xoghayaha Jamaacadda Carabta oo khadka taleefanka kula hadley Madaxweyne Xasan

QM oo muddo kordhin u samaysay UNSOM iyo Xoghayaha Jamaacadda Carabta oo khadka taleefanka kula hadley Madaxweyne Xasan

Muqdisho (WDN)- Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay15-kiisa xubnood, ayaa si wada jir ah isugu raacey in muddo kordhin lagu sameeyo hawgalka qaramada Midoobey ee lagu taageeraayo Soomaaliya ee UNSOM.

Qaraarka cusub ee Golaha Ammaanka kasoo baxay ee tirsigiisu yahay 2632, ayaa lagu mudeeyey hawlgalka UNSOM kaasi uu socon doonaa ilaa taariikh 31 October 2022.

15-ka dal ee xubnaha ka ah golaha amaanka ayaa ka codsadey xoghaya guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutteres, inuu la socdo fulinta qaraarkan muddo kordhinta ah. Sidoo kalena dawladda Soomaaliya uu la sameeyo wada tashiyo ku aadan qaabkii qaraarkaan loo fulin lahaa.

Qaramada Midoobey ayaa qeyb weyn ka ah dadaalada lagu bixinayo Soomaaliya sidii markale ay cagaheeda isugu taagi lahayd dalkana nabad waarta looga dhalin lahaa.

Dhinac kalena Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abulqeyd, ayaa wada hadal dhanka taleefanka ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo kala hadlay arrimo dhawr ah oo la xiriira kaalinka Jaamacadda Carabta ee dib udhiska Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in xoghaye Axmed Abulqeyd uu u hambalyeeyey madaxweyne Xasan Sheekh doorashadii 15ka bishaan May loogu doortey in Soomaaliya uu hogaamiyo 4ta sano ee soo socota.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusey in xoghayaha Jaamacadda Carabta lagu casuumey munaasabadda caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhici doonta 9-ka bisha June ee soo socota isla markaana uu ka aqbalay.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa u balanqaadey dawladda Soomaaliya inuu u fidinayo taageero ku aadan wax ka qabashada abaarta xoogga leh ee Soomaaliya haysata, sidoo kale ururku uu taageerayo dadaalada dawladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee nabad kusoo dabaalidda guud ahaan gayiga Soomaaliya.

Maxamed Cumar Aadan
Muqdisho, WardheerNews